4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 21, 2016
Sanad guuradii 3aad ee weerarkii Westgate oo ku beegan maanta

Arbaco, Sitember 21, 2016 (HOL)-Maanata ayaaa waxay ku beegan tahay sanad guuradii saddexaad ee weerarkii Westgate ee caasimada Nairobi.

Saddex sano ayaa haatan laga joogaa markii weerarkaa uu ka dhacay Nairobi Kenya. Waxay ahayd bishii 9aad maanta oo kale taariikh 21 sanadkii 2013 markii dabley ay weerar ku qaaday xarun laga dukaameysto oo kutaal caasimada Kenya ee Nairobi.

Xaruntaa ayaa waxaa lagu magacaabaa Westgate waxayna kutaalaa dhanka galbeed ee caasimada Nairobi.

Halkaa ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen dad tiradoodu gaareyso ugu yaraan lixdan iyo dhowr qof.

Halkaa markii dableydii ay galeen ayaa waxaa isku gadaamay ciidamada ammaanka ee Kenya halkaa oo dhowr maalmood la sheegay in dableydii iyo ciidamadu isku hor fadhiyeen.

Weerarka ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa Kenya ku soo qaaday weeraro kadib markii ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya sanadkii 2011.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]