4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 21, 2016
BanQu software oo diirada saaraya in uu qaxootiga siiyo hab ay maaliyada kula socdaan

Arbaco, Sitember 21, 2016 (HOL)-Markii asagoo 12 sano jir ah uu yimid xero qaxooti oo Kenya kutaal Xamze Warfaa wuxuu helay warqad nambar uu ku qoran yahay oo uu u isticmaalay inuu ku qaato raashin iyo adeegyo kale.

Asaga iyo waalidiintii oo Muqdisho ka ganacsan jiray warqaduhu waxay uga dhignaayeen aqoonsi lumay. Hadase asagoo shahaadada duktoornimada sugaya kana ah arday ku lammaansan Bush Foundation oo kutaal caasimadaha mattaanaha ah ee Twin Cities  ayaa Warfa waxaa uu abuuray software uu filaayo inuu u saamixi doono qaxootiga iyo waliba dadka kaleba inay abuuraan 'aqoonsi dhaqaale', oo dijitaal ama digital ah.

Waxay u adeegsan karaan inay dabagal ku sameeyaan macluumaadka la xiriira wixii la gado.

Sida Google, MasterCard iyo Microsoft, ayaa ­Warfa shirkadiisa BanQu Inc waxay ka qeyb qaadaneysaa dadaal maamulka dawlada Obama uu shaaciyay asbuucaan in dhaqaalaha sida gaarka ah loo leeyahay uu si sidii hore ka badan u caawino qaxootiga.

“Markii macluumaadkaaga aad hanato, waxaad noqoneysaa qof sharaf leh,” sidaa ayuu yiri.

Horraantii bishaan, Obama wuxuu shaaca ka qaaday dib u dejinta 110,000 oo qaxooti ah gudaha Mareykanka sanad maaliyadeedka soo socda —waana 30% koror intii hore ka badan kaasoo xisbiga Jamhuurigu cambaareeyay.

Maamulka Madaxweyne Obama ayaa sidoo kale wuxuu ku dadaalayaa sidii uu ugu qancin lahaa dawladaha dalalka kale iyo ganacsiyada inay caawiyaan qaxootiga caalamka ee iminka gaaraya 21ka milyan oo ah qaxootigii ugu badnaa laga soo bilaabo xilligii Dagaalkii Dunida ee 2aad.

Shir madaxeed ka dhacay shalay New York, dawlada Obama ayaa shaaca ka qaaday 50 kambani oo BanQu uu ku jiro oo dadaalkaa ku dhiirran.

Ninkii ay isla abuureen kambanigaa, Ashish Gadnis, oo India kasoo jeeda ayaa uga qeyb galay shirkada shirkaa.

“Xerada waxaan ku noqonay dad isticmaala xisaabaadka,” Warfaa ayaa sidaa yiri. Wuxuu isaga tagay shaqo ay siisay muasasada Margaret A. Cargill Foundation si uu u abuuro BanQu. The effort won a $350,000 grant from the Rockefeller Foundation.

Warfaa ayaa sheegay in caalamka daafihiisa ay ku nool yihiin in ka badan 2.5 bilyan oo qof oo aan isticmaalin banuugta sidaa daraadeedna aanan lahayn wax raad ah oo kusaabsan wixii soo gala iyo wixii ka baxa sidaa daraadeedna aan aad ugu tirsanayn dhaqaalaha caalamka.

Qof qaxooti ah oo Kenya jooga wuxuu awoodaa inuu isticmaalo aalada Warfaa iyo kooxdiisu sameeyeen asagoo isticmaalaya taleefankiisa gacanta una isticmaalaya sidii Facebook oo kale oo sidaa usoo galaya.

Intaa kadib wuxuu la xiriiri karaa xubnaha qoyskiisa oo ku sugan Mareykanka asagoo dabadeed la yeelanaya xiriir wanaagsan.

BanQu  wuxuu diiwaan galinayaa lacagaha laisu xawilo iyo lacagaha kale ee wax lagu kala gato asagoo abuuraya raadraac dijitaal ah kaasoo ugu dambeyn u saamaxaya qaxootiga inay qaataan deymo ay ganacsiyo ku abuuraan.

Warfaa wuxuu maalin maalmaha ka mid ah rajeynayaa in qaxootigu ku noolaadaan nolol raaxo leh ayagoo dibada uga baxaya xeryaha.

Warfaa wuxuu Kenya usocdaalay labo jeer sanadkaan si uu daraasad arinkaa ku saabsan usoo sameeyo.

Wuxuu sidoo kale xiriir la samaynayaa iminka hayadaha dib u dejinta ee ku sugan Caasimadaha Mattaanaha ah asagoo kala niqaashaya sidii BanQu adeegyadiisa loogu fududeyn lahaa qaxootiga imaanya.

Wuxuu filayaa in adeegaa software ah uu si wanaagsan u raad raaci karo adeegyada ay helaan uuna dardar galin kar dhisida raadraac kusaabsan deymaha. Wuxuu sidoo kale yeelanayaa isbahaysiyo kale.

Caasimadaha Mattaanaha Warfaa wuxuu ku caawiyay macluumaad dadaal cusub oo lagu caawinaayo macaamiil sidii ay u keydsan lahaayeen deymo la siiyay dadaalkaaso oo ay waday hayada samafalka ee magaceeda la yiraahdo Prepare + Prosper, taasoo dadka saboolka ah cawimaad aan canshuur lahayn iyo adeegyo kale.

Wuxuu kala hadlay agaasimaha guud ee hayadaa, Tracy Fischman,  muhiimada xiriiro la aamino bulshooyinka soo hijrooday dhexdooda.

“Xamze waa qof run ahaantii saamayn qoto dheer ku leh bulshada dhexdeeda asagoo ah hoggaamiye aragti dheer oo horumar keena,” Tracy Fischman ayaa sidaa tiri.

Si aad wax badan uga ogaato BanQu, booqo 
www.banquapp.com

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]