4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 21, 2016
QM: Nafaqo darro heysa carruurta Soomaaliya

Arbaco, Sitember 21, 2016 (HOL)-QM ayaa sheegtay in carruur badan oo ku nool Soomaaliya ay la il daran yihiin macaluul iyo nafaqo darro.

Shalay ayaa waxaa QM ay sheegtay in ilaa 300 000 oo carruur Soomaaliyeed ah ay heyso macaluul ba'an.

Sidoo kale ayaa waxay QM sheegtay in ilaa kala bar dadka Soomaaliya aysan heysan raashin ku filan.

Daadad xooggan ayaa baabi'iyay raashin ama dalagyadii dadku abuurteen ee ay sugayeen inay usoo go'aan.  Roobabka ayaa daadadka ka hor aad u yaraa.

Ilaa 5 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa iminka raashin yaridu heysataa. Sidoo kale ayaa colaadaha waxaa ku bara kacay dad tiradoodu sare u dhaaftay hal malyan gudaha dalka.

QM ayaa qiyaasaheedii ugu dambeyay ku sheegtay in ilaa 1.1 m oo Soomaali ah ay dalka gudihiisa ku barakaceen dar xumana ay ku nool yihiin.

Carruurta haatan majaacada iyo macaluushu heyso ayaa isbitaalada qaarkood la dhigay gaar ahaan caasimada Muqdisho oo ay kunool yihiin boqolaal kun oo barakaceyaal dhibban ah.

Dhaqaatiir ayaa warbaahinta u sheegay, waa dhaqaatiir ku sugan Muqdisho in maalin walba loo keeno carruur la il daran nafaqo darro oo jirkooda nafaqooyin kala duwan ay ka maqan yihiin ayna isbitaalka dhigaan.

QM ayaa iminka codsatay in gargaar dagdag ah lala soo gaaro dalka Soomaaliy si loo dhimo heerarka nafaqo darrada.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]