4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2016
DAAWO: Duubabka Gobolka Hiiraan Maanta oo ku Dhawaaqay Dhismaha Maamul Goboleed
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Kaddib kulan ballaaran oo ay maanta ku yeesheen magaalada Beledweye, mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, siyaasiyiin, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo duubabka dhaqanka gobolka oo uu horkacayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa looga dhawaaqay dhismaha maamul-gobolleed uu yeellanayo gobolka Hiiraan.

Tallaabada ayaa imaneysa xili dhinaca kale magaalada Jowhar loo fadhiyo shirka dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya isku fahmi waayeen dhismaha maamulka, madaama ayuu yiri aan laga talla-galin qeybaha bulshada labada gobol oo ilaa iyo hadda aan hishiis ku aheyn dhismaha maamul ay ku midoobaan. ''Waxaan rabaa in aan idin sheego Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa howshan ugu xil saarnaa dowladda, isagana beeshiisa ayuu xildhibaannimo u raadiyay, su'aasha is weydiinta mudan waxey tahay cida maamulkaasi dhiseysa,” ayuu Yuusuf Dabageed yiri.

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa si adag ugu dhaliilay dowladda federaalka habka ay u maamuleyso shirka Jowhar oo sidda uu hadalka u dhigay ah mid laga leeyahay danno gaar ah.

Ugu Dambeyntii, dubabka dhaqanka gobolka Hiiraan oo kulanka ka Hadlay ayaa halkaa uga dhawaaqay dhimaha dowlad gobolleedka uu yeellanayo gobolka Hiiraan, kaa oo ku imanaya ayeey sheegeen rabitaanka shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya