4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2016
DHAGEYSO: Xeer-ilaaliyaha guud ee DF Somalia oo Radio SBS uga Warramay Dacwadda Badda


Isniin, September 19, 2016 (HOL) — Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa Laanta Af Soomaaliga ee Radio SBS ee Australia uga warramay Dacwadda ku Saabsan Muranka Badeedka u Dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee Maanta ka billaabatay Maxkamadda Cadaalada ee Qaramada Midoobay oo Fadhigeedu Tahay Magaalada Hague ee Dalka Netherlands.

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dacwadan bilaabatay maanta ay ahayd mid muddo muddeysnayd, isagoo sheegay in dooda maanta ay tahay mid lagu dhageysan doono is-hor-taagga in maxkamaddu ay go’aan ka gaari karto muranka xuduudaha badda ee Somalia iyo Kenya ay isku haystaan.

Hadaba, DHAGEYSO: Wareysiga Dr. Axmed Daahir uu siiyay Radio SBS-Australia;

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa beeniyay inay jireen heshiisyo ku saabsan Badda oo Dhex-maray Somalia iyo Kenya, Balse ay jireen is-afgaradyo horay looga gaaray oo ahayd in labada dowladood ay ka hadlaan muranka badda.

Ugu dambeyn, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa xusay in Dowladda Somalia ay si aad ah isugu diyaarisay dacwaddan, isla markaana ay rajeynayaan inay dacwaddan hadda billaabatay ay ku guuleysan doonaan, isla markaana ay aqbalayaan go’aankii ay soo saarto maxkamadda.

Ibraahim Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
Melbourne, Australia