4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2016
Xisbiga Wadani oo Maxkamada Sare u Gudbiyay Dacwo go’aankii Siilaanyo ee doorashada ka dhan ah
Isniin, September 19, 2016 (HOL) — Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta Maxkamadda sare ee Somaliland u gudbiyey dacwad ka dhan ah kala saaridda doorashadda iyo muddo kordhin loo sameeyo golaha Wakiiladda oo ay ku tilmaameen sharci-darro.

Madaxda Xisbiga WADANI ayaa qoraal dacwadda u gudbiyey gudoomiyaha maxkamadda sare, waxaanay sheegeen inay ka dacwoonayaan go’aankii madaxweynuhu ku kala saaray doorashadda madaxtooyadda iyo Wakiiladda oo hore loogu heshiiyey in hal mar wada dhacaan.

“Maxkamadda sare ayaanu u gudbinay oo  sharciga iyo nidaamka ay xukuumaddu ku tumay iyo waraaqdii madaxweynuhu soo qoray oo aan anagu u arkayno  xisbi ahaan wax dastuurka iyo sharciga baalmarsan ee golaha Wakiilada loo gudbiyey”ayuu yidhi Xoghayaha guud ee xisbiga WADANI Maxamed Uur-cadde.

Uur-cadde, ayaa sheegay in si wanaagsan uu u qaabilay Guddoomiyaha maxkamadda sare, waxaanu yidhi “waxaa aanu aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa, gudoomiyaha maxkamadda sare oo si wanaagsan noo soo dhoweeyey oo noo qaabilay, anagoo ku kalsoon go’aanku ka gaadho, runtiina aad ugu hanweynahay in gudoomiyahani yahay gudoomiye ku dhaqmayaa cadaaladda iyo shuruucda dalka u yaalla oo uu intii uu joogay wax badan ka soo qabtayna, tana aanu rajaynayno inay noqon doonto mid rajadda Somaliland ee kalsoonadda cadaaladda inoo soo celiyey”

Xoghayaha guud ee xisbiga  WADANI Maxamed Uurcadde oo la waydiiyey maadaama uu gudoomiyaha xisbiga Wadani yahay gudoomiyaha golaha Wakiilada, laakiinse mudadii uu golahaasi joogay aanu samayn xeerarkii lagu soo dooran lahaa xildhibaanadda Wakiiladda, taasina ay sababtay in la kala saaaro doorashadda xeerkii lagu dooran lahaa oo wali qabyo ah ee maxaad ku doodaysaan mar haddii aanu gudoomiyuhu arrintaas samayn waayay, waxaanu xoghayuhu ku jawaabay “Su’aashaasi waa mid nagu soo noqnoqotay, wax ka jiraana ma jiraan, gudoomiyaha golaha Wakiilada iyo Wakiiladda wax ku xidhnaa saami qaybsiga Golaha Wakiiladdu ma jiraan, waxa jiray in maxkamadda sare ay qaraar gaadhay ay u dirtay golaha Wakiiladda in doorashadaasii golaha Wakiiladda ee 2005-kii hal mar lagu gallo doorashadda, waxaana xukuumadda amar lagu siiyey in tiro koob ay samayso, cida ku fashilantay ee hawlihii loo diray ka soo bixi wayday waxay ahayd xukuumadda ”.

Ugu dambeyntii, Xisbiga WADANI ayaa hore u Taageeray baaqii ay Beesha Caalamku ku cambaaraysay go’aankii madaxweynuhu ku kala saaray doorashada, isla markaana dib ugu dhigay doorashada golaha Wakiilada, waxaana laga dhursugayaa jawaabta  ay Maxkamadda sare ka bixin doonto dacwadan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland