Cidamada Itoobiya iyo Al-shabaab oo ku Diriray Deegaanno u dhaxeeya Maxaas iyo Ceelbuur

/images/2016/apr/201646635955322280338442Ciidamada_Itoobiya_ee_AMISOM_Aadan_Yabaal_Somalia_660.jpgIsniin, September 19, 2016 (HOL) — Wararka naga soo Gaaraya Degmada Maxaas oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in sheegaya in Dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab Weerar Jid-gal ah ku qaadeen ciidan ka tirsan kuwa Itoobiya oo ku safrayay deegaano u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Ceelbuur.

Dagaalka oo saacado qaatay ayaa sababay in ay hakad gallaan kolanyada cidankii Itoobiya oo markii danbe la sheegay in ay gurmad ka helleen dhinaca degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Degmada Ceelbuur ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in khasaare loogu geystay Ciidamada Itoobiya weerarka uga yimid dhinaca Al-shabaab, laakiin taas badalkeeda waxaa ay sheegeen in Al-shabaab laga dilay tiro badan oo ka mid ah dagaalyahannahooda.

Maalmihii lasoo dhaafnayba deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Galguduud waxaa ka jiray dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo ay sameynayeen ciidammada Itoobiya oo isaga soo baxay deegaanno markii hore ay gacanta ku hayeen,  taasoo u suurtagalisay Al-shabaab in ay mar kale dib gacanta ugu dhigaan.

Hiiraan Online, News Desk