4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2016
Maamulka Jubaland oo Maanta sheegay inay billaabeen Hawl-gallo dhan ka ah Al-shabaab
Isniin, September 19, 2016 (HOL) — Saraakiisha Maamulka Jubbaland, ayaa sheegay inay Ciidamada maamulkooda ka billaabeen hawl-gallo deegaanno ka tirsan Jubbaland oo ay ka taliso Al-shabaab.

Waxay Saraakiishu intaas ku dareen, in Ciidamadooda ay Hawl-galladan la kaashan doonaan kuwa AMISOM, iyagoo xusay inay ujeeddada hawlgalladan yihiin in laga saaro Al-shabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin Jubbaland.

Sidoo kale, Afhayeenka Ammaanka ee maamulka Jubbaland, Axmed  Carab ayaa u sheegay warbaahinta inay jiraan deegaano go’doosan oo ay xoogagga Al-shabaab ku sugan yihiin.

“Ciidamada Jubbaland, waxay billaabeen Hawl-gallo ballaaran oo Al-shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka, Ciidanku waxay gaareen dhawaan deegaanka Cabdalla Biroole oo duleedka Kismaayo ku yaalla, kuwa kalena waxaa u qorsheysan inay ka saaraan Al-shabaab,” ayuu yiri Axmed Carab.

Dhanka kale, Afhayeenka ayaa xusay uu in ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Waddanka Kenya ay ka Qayb-qaadanayaan dadaalada Ammaanka ay ku sugayaan.

Ugu dambeyntii, Maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in ay Gaari doonaan deegaannada aan gacantooda ku jirin oo intooda badan ku yaalla gobolka Jubbada Dhexe; sida degmooyinka Bu’aale & Saakow oo ay Al-shabaab gacanta ku muddo sannado ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya