4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2016
Madaxtooyada Somaliland oo jawaab ka bixisay Bayaankii Beesha caalamka ee doorashooyinka
Isniin, September 19, 2016 (HOL) — Madaxtooyada Somaliland, ayaa markii ugu horeysay ka jawaabtay dhawaaqii ka soo yeeray Waddamada Beesha Caalamka ah ee doorashooyinka Somaliland gacanta weyn ka geysto oo dhawaan war-murtiyeed ay soo saareen ka dalbaday madaxweynaha inaan la kala saarin labada doorasho.

War-saxaafadeed oo uu ku saxiixan yahay Afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr ayaa sheegay in sababta u kala saaareen ku jirto maslaxadda iyo danta Somaliland.

“Waxaa kaloo iyana xaqiiqo ah in Bulshada Caalamku ay si weyn u maal-galiyeen dhammaanba doorashooyinka iyo geeddi-socodka dimuqraadyada ee Somaliland, taasoo aanu ka mahad-celinayno abaalna ugu hayno Beesha Caalamka,    Hase ahaatee nuxurka iyo mucda arrintu maaha taa!! Arrintu waxay tahay: Ma waxaynu qabanaa doorasho muddaysan oo ay danaynayaan Bulshada Caalamku taas oo ku qabsoonta xilligii ay u qoondeeyeen? Mise waxaynu qabanaa doorasho xor ah, xalaal ah oo ay bulshada JSL ka wada qayb galaan oo ku habboon wadciga, waayaha iyo duruufaha siyaasadeed ee ka jira dalkeena?”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyadda, waxaana intaas lagu daray “ Mugdi kuma jiro dariiqa iyo sida aynu doonayno: Waxanu doonaynaa inaan qabano doorasho sax ah oo ku qabsoonta waqti iyo xaalad ku habboon!! Laakiin ma doonayno in aynu qabano doorasho sax ah oo la qabto xilli iyo xaalad aan ku haboonayn.

* Dabcan waqtiga doorashadu waa muhiim, laakiin marka loo eego qaabka iyo hannaanka ay doorshooyinku Somaliland uga qabsoomaan, waqtigu maaha ka ugu muhiimsan ee leh muhimadda koowaad.

* Arrimaha Qaranka Somaliland mudnaanta koowaad u lihi waa nabadda iyo xasiloonida, midnimada iyo wada-jirka ummadda, kuwaas ayaa saldhig u ah inay qabsoonto doorasho xor ah, xalaal ah oo ay bulshada JSL iska wada dhex arkaan.

* Madaxweynaha Axmed Maxamed Silanyo waa Madaxweyne si xor ah ay u doorteen aqlabiyadda bulshada Jamhuuriyadda Somaliland. Go’aan kasta oo Madaxweynuhu gaadho iyo tallaabo wal oo uu qaado (ha adkaadeen ama ha fududaadeene) waxa saldhiga u ihi waa danaha Qaranka iyo maslaxadaha ummadda. Sidaa darteed, Madaxweynuhu isagoo ka duulaya sida ugu habboon ay danaha ummaddu ku aslaxayaan wuxuu go’aamiyey:

* Inaan Doorashada Golaha Wakiillada lagu geli karin nidaamka Saami-qaybsiga Kuraasta Gobollada ee haatan jira,

* In Doorashada Madaxweynennimada la qabto waqtigii loogu talo galay, 28 March 2017,

* In dib loo dhigo Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyadoo la raacayo nidaamka iyo xeerarka u dhigan. Taasoo macnaheedu tahay in ugu horraan Madaxweynuhu qoraal Codsi ah u gudbiyo mudanayaasha Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan. Ansixinta kaddib, Madaxweynuhu qoraal u diri doona Maxkamadda Sare ee Distooriga ah ee JSL, kaddibna waxa loo gudbin doonaa mudanayaasha Golaha Guurtida si ay uga soo talo bixiyaan,

* Bulshada Caalamku ha naga taageeraan ama yaanay naga taageerine, waxa naga go’an in Doorashada Madaxweynennimada iyo ta Golaha Wakiilladuba ay ku qabsoomaan xilliga loo muddeeyo, inkasta oo aanu weli naawilayno in Bulshada Caalamku ay gacan naga siin doonaan labada doorashaba.

* Somaliland maanta waa dal muddo dheerba ku naaloonayay amni, degenaansho iyo dimuqraadiyad taam ah oo ku abtirsata nidaamka soo jireenka ah ee aanu dhaqanka u leenahay kaasoo ah wada-tashi,  is qancin, isu-tunaasul iyo talo-wadaag iyo in aanu anagu leenahay go’aaminta halka ay ku jiraan danaha iyo maslaxadaha ummaddayadu. Sida ay awalba yeeli jireen, waxaanu ku rajo weynahay in Bulshada Caalamaku ay arrimahayaga nagu tix-gelin doonaan.”

Dhinaca kale, gudoomiyaha xisbiga muxaafadda ah ee KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanay cidna ka aqbali doonin tallo aanay doonayn, isla markaana beesha caalamka ka codsaday in aanay ku dirqin siday wax u doonayaan.

“Intii ka dambaysay go’aankii madaxweynaha ku kala saaray labadda doorasho waxa ka hadlay Beesha caalamka, aad baan ugu mahad celinayaa taageeradda ay ina siiyaan, waxaan diyaar u nahay xisbi iyo xukuumadba in aanu caalamka xidhiidh wanaagsan la yeelano, midna waan u sheegayaa xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisa waxay umaddu u dooratay umadda go’aankeedda iyo masiirkeedda in aanay cidina u yeedhin Karin, cidna aanay ka dhagaysanayn, waxaan leeyahay erayga ay soo qoreen ee ah ee kala saaridda waxaan leeyahay eraygaasi waxaan leeyahay nama qabato, waxaanu nahay dal yar oo curdin ah oo dhibaatooyin badan imika ka soo baxay, laakiin ninkasta oo xoog weyn iyo nin kasta oo dhaqaale leh waxaan u sheegayna in taladayada cidina noo yeedhin cidina noo sheeginne aanu qabweynahay oo imaanu leenahay, go’aana kolba madaxweynaha la doorta iyo goleyaashiisa leh”ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga taladda haya ee Muue Biixi.

Arrintan ayaa ka dambaysay ka dib markii beesha caalamku walaac ka muujiyeen kala saarista lagu sameeyey labadda doorasho ee Somaliland ka dhacayey March,2017, waxaanay beesha caalamku madaxweyne Siiilaanyo usoo jeediyeen inuu ka noqdo go’aankii uu ku kala saaray.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland