4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2016
Dhageysiga dacwada Badda ee u Dhexeysa Kenya iyo Somalia oo Maanta ka billaabatay The Hague
Isniin, September 19, 2016 (HOL) — Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda QM oo uu fadhigeedu yahay Magaalaada Hague ee Waddanka Netherlands, ayaa billowday dhageysiga Dacwad ku saabsan muranka Soohdinta Bad-weynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dhagaysiga Dacwaddaan, ayaa khuseeya Diidmo ka timid Dhinaca Dowladda Kenya oo ku doodeysa in Maxkamaddan aysan awood u lahayn in ay xaliso murankan. Balse Dowladda Soomaaliya ayaa dacwaddan geysay Maxkmadda sanadkii 2014-kii oo ah Waax Garsoor oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Waddamada Somalia iyo Kenya, waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed cabirkiisu yahay 142,000-km, Sidaas darteed Somalia, ayaa ka dalbatay maxkamadu inay u xadeyso xaduudda badeedda labada waddan si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Laakiinse, Xukuumadda Kenya ayaa su'aal galisay awoodda ay maxkamadda caalamiga ah u leedahay inay qaado dacwada oo ay sheegtay inay ka baxsantahay Xeer-xeyn-daabkeeda. Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kenya, Githu Muigai - ayaa sheegay in Maxkamadda caalamiga ah aysan u oolin xalinta khilaafkan maadama ay labada dal ay Sannaddii 2009-kii ku heshiiyeen in murankan ay ku xaliyaan wada xaajood.

Sidoo kale, Maxkamada ayaa xustay in todobaadkaan ay dhageysan doonto doodda Kenya ay ku diidan tahay in maxkmaddu ay gasho dacwadda ay Soomaaliya soo gudbisay; iyadoo Xukuumadda Somalia fursad loo siin doono in ay Jawaab-celin ka bixiso doodda Kenya. Waxaana Dhageysiga dacwaddan oo ah laba Toddobaad lasoo gaba-gabeyn doonaa Jimcaha soo socdo.

/images/2015/Dec/20151210635853305933420628Xeer_ilaaliyaha_Guud_ee_Qaranka_DFS_660.jpg

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Somalia, Dr. Axmed Cali Daahir oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Somalia ay ka go'an tahay in Doodda muranka Soohdinta lagu soo Af-jaro maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

Dhanka kale, Maxkamadda ayaa markay dhageysato Doodda labada dhinac, waxay go'aan kasoo saari doontaa Dalabka Kenya ee ah in Maxkmaddu aysan Qaadi karin dacwaddan u dhexeysa labada waddan iyo in kale.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somalia, Dr. Axmed Daahir ayaa xusay in garsoorayaasha Maxkamadda ay go'aan ku Gaari doonaan muddo Seddax Bilood Gudahood ah, Haddii ay garsoorayaasha maxkamadda u arkaan in dacwaddan ay tahay mid maxkamada xeer ahaan u taalla waxay ku amri doonaan Dowladda Kenya in ay kasoo jawaabto dacwadda laga soo gudbiyay oo sidaasi ay ku billaabato dhageysiga Dacwadda ay Soomaaliya soo gudbisay.

Go'aannada ay gaarto Maxkamaddan Caalamiga ah ayaan Racfaan lagama Qaadan karin, waxayna dhinacyada ku khasbanyihiin inay fuliyaan. Waxaana la Rummeysan yahay in Badda ay ku muransan yihiin Dalalka Kenya iyo Somalia uu hoos ceegaago keydad shidaal.

Xukuumadda Kenya ayaa Dacwadda ka hor heshiis kula gashay shirkado caalami ah inay aag-badeedka lagu muransan yahay ay shidaal ka baaraan. Laakiin markii ay Soomaaliya Dacwaddaan Gudbisay laba sano ka hor qaar ka mid ah Shirkadahaas ayaa billaabay inay hakiyaan hawlihii ay halkaa ka wadeen halka kuwa kalana ay wali sii wadaan.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya waxay hadda ka hor ka digtay in haddii ay Somalia ku guuleysato dacwada socota ay suuro-gal tahay in Kenya ay ku dhacdo bad la'aan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya