4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2016
Aqalka madaxtooyada ee Kenya oo si caro leh ugu eedeeyay gobernatooraha Meru xayiraadii dhawaan jaadka Kenya soo wajahday

Isniin, Sitember 19, 2016 (HOL)-Afhayeenka aqalka madaxtooyada ee Kenya, Manoah Esipisu  ayaa maalintii shalay ahayd u aqriyay qodob dastuurka Kenya kujira gobernatooraha degmada qaadku ka soo go'o ee Meru ee Kenya Mr.  Peter Munya.

Mr. Peter Munya ayaa lagu eedeeyay in uu sabab u ahaa dhawaan wixii ka careysiiyay dawlada Soomaaliya ee Muqdisho ee ay xayiraada ugu soo rogtay diyaaradaha qaadka ee Kenya ee taga Soomaaliya isla markaana geeya qaadka.

Xiyiraadaa ayaa saarneyd diyaaradahaa muddo toban maalmood ku dhow.

Wuxuu ku eedeeyay Munya dhibkii dhawaan ku yimid jaadka wuxuuna ka digay in dhammaan gobernatooreyaasha aysan maamulin dawlado madax bannaan.

Esipisu ayaa sheegay in Munya uu safar ku tagay Soomaaliya uuna isku dayay inuu heshiis la galo maamulo halkaa ka jira kaasoo ku saabsanaa dhoofinta jaadka ama in jaadka Kenya loo dhoofsho gaar ahaan  jamhuuriyada goonida isu taagtay ee la magac baxday Somaliland.

“Wax kastoo ujeedooyinkiisu ahaayeen hadey wanaagsanaayeen iyo hadii kaleba, Munya  wuu tagay oo wuxuu wada hadalo la qaatay maamul goboleed ayada ooysan ogeyn Dawlada Federaaliga ah ee Soomaaliya ama xaqiiqdii asagoon wax wada tashi ah la samayn ama talo ka qaadan Wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya taasoo masuul looga dhigay inay dalalka kale la gasho xiriiradeena,” sidaa ayuu yiri.

Esipisu ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya ay u fahamtay in Kenya ay aqoonsatay madaxbanaanida Somaliland.

Esipisu  ayaa ka digay  in gobernatooreyaashu wada hadal iyo xiriiro la galaan dawladu madax bannaan.

“Wada hadal la galidda dawlado waxay leedhay anshax iyo borotakool. Dawlad deegaanadu waa dawlad goboleedyo kuyaala Jamhuuriyada Kenya. Ma lahan awood madax bannaan,” Esipisu  ayaa sidaa yiri.

Esipisu wuxuu intaa raaciyay in Munya casharkii uu qaatay uu muujinaayo in go'aanada la qaato wada tashi iyo waano la'aan ay sababaan dhibaato iyo jah wareer aan loo baahneyn ama aanan munaasab ahayn.

Xayiraadaa ayaa waxaa la qaaday asbuucii tagay kadib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta ay wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Nairobi, Kenya
[email protected]