4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2016
Jen. Goobaale oo Muqdisho lagu aasay iyo Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay dilkiisa (SAWIRRO)
Isniin, September 19, 2016 (HOL) — Jen. Maxamed Rooble Jimcale (Goobaale) oo shalay lagu dilay Qarax Baabuur oo ay Mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, ayaa maanta lagu aasay Muqdisho, waxaana ka hadlay dilkiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Somalia oo hadal kooban jeediyay tukashada salaadda Jinaasada kaddib ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa Geesi ka wada dhintay Shacabka Soomaaliyeed, naftiisana u huray inuu cadowga ka dul kiciyo dadka iyo dalka.

“Allah u naxariisto marxuumka. Waxaan mar kale tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, ciidanka xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay. Wuxuu kasoo baxay kaalintii kaga aaddanayd ciribtirka Al-shabaab oo haatan gabbalkooda uu sii dhacayo,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.


Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeedna ee ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Tukashada Salaadda Jannaasada ee Jen. Goobaale, waxaa sidoo kale ka qaybgaley RW Cumar C/rashiid, xubno ka tirsan labada gole, madaxda maamullada Galmudug iyo Koonfuur Galbeed, saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia iyo xubno ka tirsan Qoyska Marxuumka.


Ugu dmbeyn, Marxuumka ayaa waxaa la geeriyooday toddoba ka mid ah ilaadiisii gaarka ahaa ee la socday, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo ilaaladiisa ka mid ahaa, waxaana weerarka dilkiisa sheegatay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya