4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2016
Darawal Soomaali ah oo bilo ka hor lagu dhaawacay Mareykanka oo soo kabanaya

Isniin, Sitember 19, 2016 (HOL)-Nin darawal tagsi ahaa oo sannadkaan lagu dhaawacay magaalada Louisville carriga Mareyknak ayaa xaaladiisu soo hagaageysaa iminka.

Ninkaa oo dhawr sano ka hor ka yimid Soomaaliya ayaa wuxuu darawal u ahaa shirkada tagaasiida ee Yellow Cab. Haatan ayaa dhaqaatiirtu sheegayaan inuu soo kabtay isla markaana inuu si buuxda u soo kabto ayaa dhawaan laga rajo qabaa.

Ninka u dhaqdhaqaaqa arimaha bulshada iyo arimaha qoyska Christopher 2X ayaa sheegay in ninkaa oo lagu magacaabo C/Raxmaan Maxamed laga saaray  Frazier Rehab taasoo ah goob xannaano iyo daryeel oo haatan la geeyay meel kalo oo xannaano muddo dheer lagu siiyo.

Ninkaa qoyskiisa ayaa isna sheegay in uusan aad baaralaays u noqon amaba uusan naafoobin si aad ah isla markaana haatan xaaladiisu ay aad sidii hore uga soo roonatay inuu ka boodana la filaayo mar aan dheereyn.

Ninkaa ayaa sidii uu u dhaawacmay loo malaynaayay inuusan soo kaban doonin balse Alle mahadii dhaawac rasaas oo burcad aan heybtooda la garan ay uga dhufteen laf dhabarta bishii Juun ee sanadkaan ayuu haatan tartiib uga soo kabtay wax yar ayaana u harsan.

Tafaasiil badan oo xaaladiisa caafimaad ku saabsan C/Raxmaan Maxamed ayaa waxaa la filayaa in dhaqaatiirtu bixiyaan maanta oo Isniin ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]