4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2016
Bog Facebook oo lala xiriirshay weerar dhawaan saldhig boolis lagu qaaday Mombasa

Isniin, Sitember 19, 2016 (HOL)-Baaritaano lagu sameeyay weerarkii dhawaan lagu qaaday saldhigga booliska ee dhexe ee Mombasa ayaa muujiyay bog Facebook ah kaasoo laga yaabo inuu xag jir ka dhigay 3dii gabdhood ee weerarkaa qaaday.

Tasnim Yacquub, Maymuuna C/Raxmaan iyo  Ramla C/Raxmaan ayaa waxaa toogasho ku dilay biliiska kadib markii ay weerareen saldhiggaa oo askari boolis ah ay mindi ku dhaawaceen. Waxaa sidoo kale la sheegay in ay walxo qarxa wateen.

Weerarkaa ayaa dhacay 11kii bishaan oo ku beegnayd Axadii aanu soo dhaafnay tii ka horeysay iyo weerarkii 9/11.

Boggaa ayaa waxaa la sheegay in uu wixii dad aan Muslim ahayn weerara inay janno galayaan u ballan qaado! 

Boggaa Facebook ayaa waxaa lagu magacaabaa  Sisters of Jannah – oo macnahu yahay Gabdhaha Walaalaha ah ee Janada.

Sidaa ayaa waxaa boolisku sheegay in gabdho badan oo da' yar kooxaha hubeysani inay ku duufsadaan.

 Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]