4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2016
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: Marna ma Ogolaanayno in Taako ka mid ah baddeenna la Qaato
/images/2014/may/Madaxweyne_Xasan_Sheekh_Maxamuud.jpgIsniin, September 19, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan Dowladda Federaalka Somalia marna ka Tanaasuli doonin Taako ka mid ah Badda Soomaaliyeed, xilli maanta ay Maxkamadda Cadaaladda ee Magaalada Hague ka bilaaban doonto dhageysiga Dacwada u dhaxeysa Kenya iyo Somalia.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in kalsooni badan uu ku qabo inay Guuleysanayso DF Somalia, isagoo shacabka Soomaaliyeed u sheegay in Baddu ay tahay hanti Qaran oo aan marnaba gor-gortan geli doonin.

“Waxaa Maanta bilaabanaysa Dacwaddii Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Dacwadaas kooxda sharci-yaqaanno Soomaaliyeed ah ayaa Maxkamadda tagaya, waxaan rabnaa muhiimadda Dacwadda badda iyo dhulka biyaha ay Soomaaliyeed leedahay inaan xaqiijiyo, taasoo inaanan ogolaan doonin in la qaato qayb ka mid ah badda Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in markii hore Dowladda Kenya ay arrintaan wada-hadal ka yeesheen, laakiine ay noqotay in Maxkamad la tago, si la mid ah sida Shuruucda caalamiga ah qabaan.

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay inay difaaci doonaan Badda Somalia, isla markaana ku doodayaan wixii shacabka Soomaaliyeed ay xaqa u lahaayeen, iyadoo aanay cid kale la dulmineyn. Wuxuuna yiri. “Anaga iyi Kenya jaar ayaan nahay, wax khilaaf ahna nagama dhexeeyo, biyaha annaga ayaa is ka leh, waa Badeena, waana difaaci doonnaa.”

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan ayaa habeen hore Sagootiyay Guddiga goob-joogga ka noqonaya Dacwadda Badda, isagoo kula Dar-daarmay inay Doodda iyo Dacwada Baddu noqdaan kuwo mira-dala.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya