4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2016
Dacwada kusaabsan muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya oo maanta dhageysigeedu ka furmayo the Hague

Isniin, Sitember 19, 2016 (HOL)-Maanta ayaa waxaa magaalada the Hague ee Holland ka furmaya dhagaysiga dacwada muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Dacwadaa oo bilaabanaysa Isniinta maanta ah ayaa waxaa ay socon doontaa maalmaha dhowrka ah ee soo socda. 
 
Kenya ayaa muran ka keentay xarriiqa xadka ee badda labada dal u dhexeeya ayadoo dooneysa in hoos iyo dhanka Soomaaliya loo leexsho meel la siman magaalooyin iyo dhul Soomaaliya kuyaal taasoo Soomaali aad u badan u cuntami la'.

Kenya ayaa ku andacooneysa in halkaasi la isku hayo ay qeyb ka tahay badda inta xeerarka caalamiga ahi u ogol yihiin inay ka aqdaamato ama ka kalluumeysato amaba macdan iyo shidaal ka qodato ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo Exclusive Economic Zone (EEZ) waxaase la yaab leh dhanka ay dooneyso in xarriiqa loo leexsho oo Soomaaliya xarriiqu gudaha u galayo macquulna aanan ula muuqan dad aad u badan gaar ahaan Soomaalida.

Labada dalba waxaa maxkamada ku matalaya ama uga doodaya sharci yaqaano shisheeye!

Dad Soomaaliyeed ayaa lagu soo waramayaa in ay abaabulayaan inay ku dibad baxaan afaafka hore ee maxkamadaa si tanaazul aan loogu samayn badda Soomaaliya.
 
Dr. Cali Axmed Daahir, xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in maxkamada ICC ee the Hague ay awood u leedahay inay qaado dacwadaa. Wuxuu sheegay in waddo xaq ah dhinaca Soomaaliya uu ku taagan yahay xaqna ay kusoo dhammaan doonto dacwadaasi sida uu rajeynayo.
 
Dhagaysiga dacwada ayaa socon doona ilaa Jicmaha soo socda. 
 
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]