4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2016
Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Somalia oo sheegay inaanay Aqbaleyn Go’aan ka dhan ah Badda Somalia
Axad, September 18, 2016 (HOL) — Kulan ay Maanta Muqdisho ku yeesheen Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Somalia oo ay shir-gudoominayeen gudoonka Isbaheysiga; ayaa dood iyo falan-qeyn kaddib waxaa Warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha isbaheysiga xisbiyada siyaasada Somalia, Cali Maxamed Nuux Tima-jilic iyo mid ka mid ah madaxda xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya, Zakeriye Maxamuud X. Cabdi, iyagoo in xisbiyadu aysan marna aqbali doonin wixii lahaanshaha badda Somalia ka dhan ah.

Mas’uuliyiinta isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya, ayaa sheegey in arrintan ay ka dambeeyaan kuwo diirka Soomaali ka ah oo dano gaar ah wata, Marxalada ay maanta Somalia ku jirtana la doonayo in laga faa’iideysto, iyagoo ugu dambeyn ugu baaqay Shacbiga Soomaaliyeed iyo madaxda maamullada dalka in meeln looga soo wada-jeesto arrintaan.

“Waxaan u sheegaynaa Shacabka Soomaaliyeed inaanay isku qaldin isbaheysiga xisbiyada siyaasadda Somalia iyo isbaheysiga musharaxiinta is-bedel sameynta, isbaheysiga xisbiyada siyaasadda Somalia waa xisbiyo wadaaga dalad ay ku mideysay ihiin, iyadoo xisbi waliba uu si gooni ah u taagan yahay. Isbaheysigan kalena waa musharaxiin u midoobay sidii ay isugu xulufesan lahaayeen si ay ugu guuleystaan inay beddelaan hugaanka dalka sida magacooda ka muuqata,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiyada siyaasadda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Arrintaan ayaa imaanaysaa iyadoo maxkamadda caalamiga ah ee Qaramada Midoobay laga billaabay dacwadda Badda ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya, Taas oo muddo soo jiitamaysay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya