4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2016
Maxkamada Sare ee Somaliland oo billowday Dhagaysiga Dacwada ka dhexeysa Garabyada UCID
Axad, September 18, 2016 (HOL) — Maxkamada sare ee Somaliland ayaa maanta billowday Dhagaysiga dacwadda u dhexeysa labadda garab ee xisbiga UCID, ka dib marka garabka gudoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe racfaan ka qaatay go’aankii ay hore usoo saareen guddida diiwaangelinta ururadda siyaasiga iyo ansixinta xisbiyada.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Garsoore Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay inay maanta bilaabayaan dhagaysiga dacwadda ka dhexeysa labadda garab ee xisbiga UCID oo ay kala hogaaminayaan Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo garabka kale ee uu hogaaminayo musaharaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.

“Waxa saaka bilaabmay dacwadii u dhexeysa labada garab ee xisbiga UCID, oo ay kala hogaaminayaan gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, iyo garabka uu hogaaminayo musharaxa  Jamaal Cali xuseen iyo Cali Yuusuf, dacwaddu waa mid racfaana oo uu racfaane ka yahay Guddoomiye  Faysal Cali Waraabe iyo Qareenadiisu,halka Racfaasanayaala ay ka yihiin Cali Gurey iyo Jamaal”ayuu yidhi gudoomiyaha Maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali.

Waxaanu intaas ku daray “Dacwadan waad ogtihiin oo waxa hore go’aan uga soo gaadhay gudidda diiwaangelinta ururadda iyo ansixinta xisbiyadda siyaasadda, waxaana racfaan usoo qaatay maxkamadda sare garabka uu hogaaminayo Faysal Cali Waraabe iyo qareenadiisa ayaa maxkamada keenay, waxaana dacwadaasi galaysa maxkamadda sare oo buuxda, maxkamadda sare waxay ka kooban tahay  kow iyo toban toban garsoore,kow iyo tobanka garsooraba way galayaan, waxa hogaaminaya gudoomiyaha maxkamadda sare,maadaama ay noqonaysa xukunkii ugu dambeeyey oo wax ka dambaynayaa aanu jirin”.

Dhinaca kale, waxa iyaguna markii dhagaysiga maxkamadda laga soo baxay warbaahinta la hadlay labadda garab oo sheegay inay ku kalsoon yihiin wixii maxkamada ka soo baxa.

“Maxkamaddan waa tii sare iyo tii dastuuriga waxay akhriyeysaa sharciga u yaala asxaabta, sidii barigii aanu Cabdiraxmaan Cirro (Guddoomiyaha Xisbiga Wadani)  is haysanay oo kale, waana ku kalsoonahay oo wixii sharciga waafaqsan ay gudoomin doonto,waana ka dhursugaynaa”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey sida uu arko dhagaysiga maxkamadda ee bilaabantay.

Jamaal Cali Xuseen oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi  “maanta wixii maxkamadda sare ka dhacay guul baanu u aragnaa,maxkamadii sare waxay banaysay dood wanaagsan, marka anagu sharciga ayaanu ka raacaynaa, kalsooni ayaanu ku qabnaa maxkamadda.”

Sidan oo kale, waxa khilaaf soo kala dhexgalay guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo C/raxmaan Cirro oo ka mid ahaa masuuliyiinta xisbigan, ka dibna waxa khilaafkaasi loo gudbiyey maxkamadda sare, waxaanay maxkamadda sare u xukuntay gudoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe, halka C/raxmaan Cirrana wakhtigaasi aasaasay xisbiga WADANI oo nasiib u helay inuu ka soo dhexbaxo ururaddii siyaasadeed ee wakhtigaasi u tartamayey xisbinimada.

Si kastaba ha ahaatee, waxa la dhawrayaa go’aanka maxkamadda sare ka soo baxa, maadaama oo garabka Faysal Cali Waraabe  ku qanci waayeen go’aankii hore ee guddida doorashooyinku ka soo saareen xalinta khilaafkan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland