4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2016
Xisbiga WADANI oo kasoo Horjeestay kala Saarista doorashada Wakiillada iyo Madaxtooyada (SAWIRRO)
Axad, September 18, 2016 (HOL) —Xisbiga Mucaaradka ee WADANI, ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen hogaanka iyo guddida fulinta ee xisbiga waxa ay kaga arrinsanayeen waxa laga yeelayo go’aankii madaxweynuhu ku kala saaray labadda doorasho.

Shirka waxay kasoo saareen war-murtiyeed ay ku cambaaraynayaan go’aanka madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey baarlamaanka oo uu ku kala saaray doorashadda Madaxtooyadda iyo Wakiiladda, isla markaana ku tilmaamay sharci daro.

Sidoo kale, xisbiga Wadani wuxuu taageeray go’aankii beesha caalamku ku cambaareeyey in  la kala saaro labadda doorasho, isla markaana loo kordhiyo golaha Wakiiladda.

War-murtiyeedkan ka soo baxay madaxda sare ee xisbiga ayaa u qornaa sidan “Maanta oo taariikhdu tahay 18 September waxa  uu Xisbiga Waddani shir ku qabsaday hotel maansoor kaasoo ay kasoo qaybgaleen hoggaanka sare  iyo guddiga fulinta, shirkaas oo lagaga arinsanayey guud ahaan xaaladda dalka iyo gaar ahaan wareegtadii madaxweynaha ee kala qaadista doorashada golaha wakiilada iyo ta madaxtooyada  iyo mawqifka uu xisbiga waddani ee wareegtadaas.

Mawqifka xisbiga.

1. Saddexda Xisbi qaran waxay madaxwaynaha kalsooni buuxda ku siiyeen xallinta saami qaybsiga golaha wakiiladda waxaanay u ballan qaadeen in ay ku raaci doonaan  go’aan kasta oo uu xal u arko oo uu kasoo saaro saluugga gobolada dalka iyo saami qaybsiga kuraasta golaha wakiladda, maaddaama ay tahay waajibaadka xukuumadda.

2. Xisbiga Waddani wuxu cambaaraynayaa isla markaana u arkaa sharci darro nuxurka qoraalka Madaxweynuhu u gudbiyey golaha baarlamaanka ee ku saabsan kala qaadista labada doorasho (wakilada & Madaxtooyada), iyadoo hawsha doorashada loo igmahday Gudiga Doorashooyinka Qaranka.

3. Xisbiga waddani wuxu ayidsan yahay g’oaankii Maxkamadda Dastuuriga ahi ka soo saartay wada qabashada labada doorasho oo ah in ay qabsoonto 28/3/2017.

4. Xisbiga Waddani wuxu ayidsan yahay go’aankii ay ku caddeeyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranku in ay diyaar u yihiin qabsoomida labada doorasho muddadii loo cayimay oo ah 28/03/2017.

5. Xisbiga Wadani wuxu  xasuusinayaa MW Axmed Maxamed Siilaanyo in uu qaato go’aan la mid ah kii uu qaatay Mudane Daahir Riyaale Kaahin ee suurto gal ka dhigay qabsoomiddii doorashada golaha wakiiladda ee qabsoontay 2005.

6. Xisbiga waddani wuxu taageersan yahay si weynna u ayidayaa baaqii beesha caalamka iyo taageerayaasha doorashooyinka Somaaliland ay ka soo saareen wareegtada qayrul sharciga ah oo aanu aaminsanhay in madaxaynaha la hoosdhigay.

7. Xisbiga waddani wuxu u taagan yahay badbaadada qarnimada Somaliland waxaanu ka soo horjeedaa wax kasta oo lagu carqaladaynayo qabsoomidda doorashooyinka oo ina dhaxal siin  kara burbur aan laga soo kaban Karin.

8. Xisbiga waddani  wuxu ugu baaqayaa shacabka Somaliland ilaalinta wadajirka ilaalinta nabadgelyada iyo badbaadinta qaranimada Somaliland.”

Ugu dambeyn, Labadda xisbi ee kale UCID iyo Kulmiye taageereen go’aankaasi lagu kala saaray, haseyeeshee xisbiga Wadani ayaa ku kaliyeystay inuu qaadaco go’;aankaasi, inkastoo gudoomiyaha xisbiga WADANI uu yahay gudoomiyaha golaha Wakiiladda oo shalay caqlabiyad ku meel mariyey go’aankaasi madaxweynuhu soo saaray ee golaha Wakiiladda loogu kordhiyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland