4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2016
UNCHR oo beenisay Eedo ay u soo jeedisay Hay’adda Xuquuqda Aaadanaha ee Human Rights Watch
/images/2016/Feb/2016216635912071245560894Qoxooti_Soomaaliyeed_UNCHR_dib_u_celin_660.jpgAxad, September 18, 2016 (HOL) — Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa iska fogeysay eedo kaga yimid Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, kuwaas oo la xiriiray dib u celinta Qoxootiga Soomaalida ee ku jira Xeryaha Dhadhaab ee Kenya.

Raouf Mazou oo ah wakiilka UNCHR ee dalka Kenya, ayaa sheegay in hay’adda ay si dhaw ula shaqeynaysay Dowladda Kenya si loo dhawro xuquuqda qaxootiga dib ugu laabanaya dalkooda Somalia, iyagoo si nabad-galyo ah ugu laabanayay goobihii ay ka yimaadeen markii hore.

Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa haatan ku nool 300,000 oo qof oo Qoxooti ah, una badan Soomaali, waxaana hay’adda UNCHR ay gacan ka geysataa buu yiri wakiilku sidii ay dalkooda dib ugu laaban lahaayeen iyagoo aan la qasbin.

Sidoo kale, Hay’adda HRW ayaa warbixin ay toddobaadkii hore soo saartay waxay ku sheegtay in Qoxootiga Soomaalida ee xeryahaas ku jira qaarkood lagu qasbo in ay dalkooda ugu laabtaan si khasab ah, sidoo kalena aanay helin dhaqaalihii ay dib ugu laaban lahaayeen ee loo ballan-qaaday.

HRW, ayaa Warbixinteeda ku xustay in Xukuumadda Kenya ay cadaasi iyo hanjabaado ku hayso qoxootiga xeryahaas ku jira si ay ugu laabtaan dalkooda, iyadoo dowladda Kenya ay horay us heegtay inay bisha November ee sannadkan ay xirayso xeryaha Dhadhaab oo dhan.

UNHCR ayaa warbixinteeda ku xustay in eedaha loosoo jeediyay ay yihiin kuwo aan sax ahayn, iyadoo xustay inaysan jirin cid lagu qasbo inay Soomaaliya ku laabtaan, balse dadka laabanaya ay iyagu go’aanka gaareen.

“Waxaan si joogto ah kulamo ula yeelanaa qaxootiga, sidoo kale saxaafadda ayaan u marinnaa marinaa farriimo ku baxa afafka Soomaaliga iyo Ingiriiska oo aan ugu sheegeyno in dib u laabashada aysan ahayn mid khasab ah, balse uu qofku iskiis u dooran karo,” ayaa warbixinta UNCHR lagu yiri.

Ugu dambeyn, UNHCR ayaa xustay in iyadoo la tixgelinayo dhibaatooyinka haysta Kenya ay dowladda Somalia dajisay qorshe dib loogu celinayo Qoxootiga Xeryaha Dhadhaab ku noolaa muddada rubuc-qarniga ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya