Diyaarad kuwa Qaadka Keena ah oo shil ku gashay Garoonka Diyaaradaha Bardaale ee Gobolka Bay
Axad, September 18, 2016 (HOL) —
Mid ka mid ah Diyaaradaha Qaadka ka keena Kenya ayaa la sheegay inay shil
ku gashay maanta Degmada Bardaale oo ka Tirsan Gobolka Bay, iyadoo wararku
sheegayaan inay shilka gashay xilli ay cagaaha dhiganaysay Garoonka.
War ay baahisay Wakaaladda Wararka Somalia ee SONNA aya lagu sheegay in diyaaradda ay lasoo daristay
cillad dhanka farsamada ah, kaddibna waddadii ay ku cararaysay ka baxday.
Sidoo kale, Wararka ayaa
wuxuu intaas ku darayaa inaanay jirin cid khasaare kasoo gaartay shilka
diyaaradeed, iyadoo xilligaas ay garoonka ku sugnaayeen ciidamada maamulka Koonfur-galbeed
iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Garoonka Bardaale ayaa ah mid
aan si wanaagsan u dhisnayn, waxaa ku daga oo keliya diyaaradaha Jaadka ka
keena dalka Kenya, sidoo kalena waxaa isticmaala ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya
oo ay sahaydu uga dagto.
Degmada Bardaale ayaa wxay ka mid
tahay Degmooyinka gobolka Bay ee uu gacanta ku hayo maamulka Koonfur-galbeed oo
kaashana Ciidamada Itoobiya ee Qaybta ka ah Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM.
Ugu dambeyn, bishan
horraanteedii ayay ahayd markii Dowladda Somalia ay rasmi ahaan u fasaxday in
Jaadka Kenya ka yimaada uu si toos ah uga soo dago dhamaan garoommada Soomaaliya,
kaddib xaryiraad toddobaad maalmood ah oo la saaray.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya