4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2016
29 qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay New York

Axad, Sitember 18, 2016 (HOL)-Qarax xooggan ayaa ka dhacay New York dalka Mareykanka halkaas oo ugu yaraan 29 qof ay ku dhaawacmeen.

Hal qof ayaa dhaawacaa ugu daran oo dhaawaciisu halis yahay. Qaraxa ayaa yimid hal asbuuc kadib sanad guuradii 15aad ee 9/11.

Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga Chelsea ee xaafada Manhattan abbaare 8:30 xalay gaar ahaan waddada 131 West 23rd Street oo waqtigaa dad badnayd.
 
Wadadaa ayaa waxaa kuyaala baarar, maqaayado iyo guryo raaxo.  Duqa magaalada New York Bill de Blasio iyo booliska magaaladaa ayaa sheegay in weerarkaasi aan ilaa hada la ogeyn wax fal argagaxiso ah oo uu xiriir la leeyahay.

Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa intooda badan loola cararay isbitaalo ayadoo ay daqdaqreen faniinka muraayadaha guryaha iyo biro.

Saraakiisha dawlada ayaa wali ka gaabsanaya inay lasoo boodaan waxa qaraxu uu ka dhashay ilaa iminka.

Caasimada New York ayaa waxaa kunool in kabadan 8 milyan oo qof waana meel ay kuyaalaan goobo badan oo loo tamashle tago sidoo kalena New York waa xarunta maaliyada ee Mareykanka.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]