4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2016
Aadan Ducaale oo ugu baaqay xoolo dhaqatada Kenya inay nabad kuwada noolaadaan

Axad, Sitember 18, 2016 (HOL)-Hoggaamiyaha aqlabiyada ee Kenya Aadan Ducaale oo ah nin Soomaalida Kenya ah ayaa ugu baaqay xoolaleyda Kenya gaar ahaan dhanka waqooyi ee Kenya inay nabad ku wada noolaadaan ayna joojiyaan colaado dhawaan dhacay.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in si dagdag ah loo qabto shir nabadeed kaasoo loo qabanaayo beelaha xoolo dhaqatada gaar ahaan kuwo dhawaan isku dhacay oo daga degmooyinka Isiolo iyo Gaarisa. Dhawaan ayaa halkaa waxaa lagu dilay 7 qof gaar ahaan xaduudka degmooyinkaa kadib markii xoololey ay ku dagaalameen dhul daaqsin iyo ilo biyo.

Dhanka kale booliska Kenya ayaa ku raad jooga labo nin oo la sheegay in ay soo galiyeen gabdho asbuucii lasoo dhaafay weeraray saldhig boolis; raggaa ayaa lasheegay inay saldhiggaa keeneen hablahaa ka hor intii aysan baxsan.

Gabdhihii ayaa weerar ka geystay saldhigaa ayagoo dhaawacay labo askari oo boolis ah ka hor intii aan ayaga toogasho lagu dilin.

Booliska ayaa khaarajiyay gabdhahaa oo saddex ahaa. Labadii nin ayaa ku keenay Bajaj ama Bajaaj ama mootooyinka 3 lugoodka ah halkaa kuwaas oo Kenya looga yaqaano Tuktuk.

Gabdhahaa ayaa la sheegay in ay ahaayeen Soomaalida Kenya halka mid ka mid ah nimanka uu ahaa darawalkii bajaaj-ta kan kalena uu la socday ayaga.

3 kale oo dumar ah oo la sheegay inay gabdhahaasi la noolaayeen ayaa xiran oo baaritaan uu ku socdaa.

Waxaa jira warar sheegaya in weerarkaasi loo xagliyay jabhada Daacish. Sidoo kale ayaa waxaa boolisku soo qabtay xaaskii Cabuud Rogo oo ahaa daaci lala xiriirshay Al-Shabaab oo sanadkii 2012 lagu dilay gobolkaasi xeebta.

Gabadhaa carmalada ah oo lagu magacaabo Haniya Saggar ayaa waxaa lala xiriirshay weerarkaa ama tuhun la xiriira 3da kale ee dumarka ah ee haatan booliska u xirana waxaa la sheegay inay yihiin qaxooti kasoo jeeda dalka Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi, Kenya
[email protected]