Arbaco, September 14, 2016 (HOL) —Ciiidamada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland, kuwa xoogga dalka iyo AMISOM oo is garabsanaya ayaa howlgallo ballaaran oo ay saaka ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Kismaayo ayay kula wareegeen deegaano dhowr ah oo dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Jubaland.
Ciidamadan isgarabsanaya oo ka ambabaxay deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo ayaa weerar ku qaaday fariisimo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Wirkooy, waxaana laba dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal xooggan oo laisku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Afhayeenka laamaha amniga Jubaland Axmed Max'ed Max'uud (Axmed Carab) oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in howlgalladaasi ay qeyb ka yihiin dadaallada ay wadaan ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda ee la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaanada Jubooyinka.
"Ciidamada Jubaland waxay saaka Al-shabaab ka saareen deegaanada Wirkooy, Baar-Zanguuni, iyo deegaanka Singaleer, Shabaab waxaan ka dilnay 7 Askari, annaga Alle mahadii wax khasaaro ah nama soo gaarin," ayuu afhayeenku hadalkiisii raaciyay.
Xiisadahan kasoo cusbooonaaday waqooyiga gobolka J/hoose ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya AMISOM ay la wareegeen deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 60-km dhanka galbeed kaga beegan Kismaayo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan J/hoose
More News
- UGAAS Xasan Ugaas Khaliif oo lagu daray Liiska 135-ta Oday ee soo Xulaya Xildhibaannada cusub
- SAWIRRO: Dufcaddii 8-aad oo ka Qalin-jabiyay Jaamacadda Nugaal oo Xaflad loogu qabtay Laascaanood
- Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo u soo kordhisay Macaamiisheeda Adeeg Cusub oo Faa’iido leh
- DAAWO SAWIRRADA: Shir-madaxeedkii Ururka IGAD ee Magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shalay
- Akhriso: War-Murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Madasha Doorashooyinka ee lagu Qabtay Muqdisho
- Sedex qof oo rayid ah oo ku dhimatay Gaari shacab oo ay Miino kula kacday J/hoose
- Somaliland oo Cambaareysay Qodobbo ku jiray War-murtiyeedkii Shirkii IGAD (SAWIRRO)
- KENYATTA: Qurbo-joogta Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in Dalkooda ay Maal-gashadaan
- Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran oo lasoo gaba-gabeeyay iyo Bayaan laga soo saaray (SAWIRRO)
- Dowladda Canada oo Kordhinaysa Qaxootiga ay Qaadanayso sanadka 2017-ka
- Hoggaamiyeyaasha dalalka bariga Afrika oo ku baaqay in doorashada Soomaaliya noqoto mid xaq ah
- Diyaaradihii Jaadka oo Maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aden Adde ee Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo ku wajahan Degmada Jowhar ee Sh. Dhexe
- SAWIRRO: Sidee u ciideen Muslimiinta ku nool Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota?
- Madaxweynah Kenya, Uhuru oo Ururka IGAD ka dalbaday inuu ka shaqeeyo xasilinta Soomaaliya
- Diyaaradaha Qaadka Kenya Qaada oo Dib Loogu Fasaxay inay Tagaan Soomaaliya