4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 9 , 2016
Magacaabidda Xubnaha Aqalka Sare ee Maamulka Galmudug oo laga keenay Cabashooyin: Akhriso


Axad, Oktoobar 09, 2016 (HOL) — Shir ja`aarid maanta ay Cadaado ku qabteen qaar ka tirsan xubnihii isku soo taagay Aqalka Sare baarlamaaka Federaalka, ayaa cabasho ka keenay qaabka magacaabidda xubnaha uu soo gudbiyay maamulkaas.

Shirka jaraa’id ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; Xubno ka tirsan Baarlamanka Galmudug, kuwaasoo iyaguna cambaareeyay habka uu madaxweynaha Gal-mudug u magacaabay xubnaha Aqalka sare ee Galmudug.

Haddaba, War-saxaafadeed ay soo saareen xubnahan ayaa wuxuu u qornaa sidan:

Maanta oo ay taariikhdu tahay 09/10/2016 waxaa shir jaraa`id oo wada jir ah ku qabtay Magaalada Cadaado ee caasimada kumeel gaarka ah ee maamulka Galmudug Musharaxinnta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kala ah.

Haddaba, anagoo ah muwaadiniinta kor ku xusan waxaan u cadeynaynaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Galmudug, Baalamaanka Galmadug, Gudiyada Doorashooyinka heer federal iyo heer Dowlad goboleed iyo Beesha Caalamka qodobadan soo socda:

1.In xaqii dastuuriga ahaa ee uu lahaa muwaadinka Soomaaliyeed si sharci daro iyo gardaro ah nagula duudsiiyay. Kaa oo ku xusan qodobka 22aad ee Dastruuka Federaalka, faqradiisa 2aad ee tilmaamaya Xaqa  muwaadin ka ee ka qeybgalka Siyaasada ee cadeynaya in muwaadin kasta wax doorto lana doorto.

2.Waxaan cadeyneynaa in aan raacnay dhamaan Habraacii loo dajiyay ka qeybgalka doorashada 2016 iyo qodobadii ka soo baxay Madasha Hogaanka Qaran ee ku aadanaa xulisinta iyo soo gudbinta xubnaha Aqalka Sare.

3.Waxaan cadeynaynaa in aan u gudbinay Golaha fulinta ee Dowlad Goboleedka Galmudug dhamaan dukomiintigii ay naga dalbeen waqti hore ayna mariyeen habraacii loo baahnaa.

4.Waxaan cadeynaynaa in Madaxweyne C/kariim uu si musuqmaasuq, takrifal iyo nin jecleysi ah uga reebay liiska uu u soo gudbiyay Golaha Wasiirada magacyada kor ku xusan si aan loola tartamin xubno saaxiibadiis ah oo ku jira liiska. Isla markaana uu u xaqiijiyo in ay u gudbaan Golaha Aqalka Sare.

5.Waxaan cadeynaynaa in Madaxweyne C/kariim iyo maamuulkii loo dhisay Galmudug ay ka weecdeen heshiiskii iyo dastruukii lagu dhisay kaas oo tilmaayay xuuqda iyo ixtiraamka u dhaxeeya beelaha deegaanka.

6.Waxaan ugu baaqeynaa Shacabka Galmudug, Baarlamaanka  iyo Golaha Wasiirada Galmudug in ay talaab ka qaadaan, noona soo celiyaan xuquuqdeena Dastuuriga ah si waafaqsan cadaalada iyo sinaanta.

7.Waxaan ugu baaqeynaa Gudiyada Doorashooyinka iyo Madasha Hogaanka Qaran in aysan aqbalin Liiskan khilaafsan Dastuurka ee ku dhisan sharci darada oo ay ka dhalan karto kalsooni daro ku timaado daah-furnaanta Doorashooyinka 2016.

8.Waxaan beesha caalamka ugu baaqeynaa in aanay aqoonsan, dhaqaalana lagu bixin, kana hortagto in ay dhacdo doorasho ku dhisan musuqmaasuq iyo xaqdaro.

9. Waxaan ka digeynaa cawaaqib xumida ka dhalata iyo saameynta ay ku yeelanayso Mustaqbalka Dowlad Goboleedka Galmudug haddii aan wax laga qaban ku xad-gudubka muwaadiniinta Galmudug.

10.Ugu dambeyn waxaan balanqaadeynaa in aanan ka tanaasuli doonin xuquuqdeena, kuna raadsaneyno hab waafaqsan sharciga, kana codsaneynaa in ay gacan nagu siiyaan inta jecel samah.

 

Ugu dambeyn, xubnaha shir jaraa’id ka hadlay waxaa ka mid ah; C/qaadir Xuseen Maxamed “Jaahweyn”, Xuseen Nuur Darwiish, Yoonis Muxudiin Xaaji Maxamed, Ugaas C/llaahi Ugaas Aadan Xaaji Xuseen iyo xubno kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya