4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 9 , 2016
War Deg Deg ah: Xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle oo la dhaariyay

Axad, Oktober 09, 2016 (HOL)-Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha-dhexe goor dhow lagu dhaariyay xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle kaasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan, kaddib munaasabad lagu qabtay magaaladaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” ayaa goob joog ka ahaa dhaarinta waxaana la dhaariyay 73 mudane, iyada oo tirada maanta hoolka ku xarootay ay gaareysay 80 xildhibaan.

Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa iyana bogaadiyay xildhibaanadaa una rajeeyay shaqo hufan.

Mutafa Hussein
Hiiraan Online
[email protected]