4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 9 , 2016
Odayaasha dhaqanka Galmudug iyo Puntland oo Heshiis hordhac ah ka Gaaray Colaaddii Gaalkacyo


Axad, Oktoobar 09, 2016 (HOL) — Kulan Maanta at Gaalkacyo ku yeesheen; Odayaasha-dhaqanka, Isimada iyo Wax-garadka Maamullada Galmudug iyo Punltand, ayaa waxay ka gaareen heshiis hordhac ah dagaalladii dhawaan Magaalada Gaalkacyo ka dhacay.

Golaha dhaqanka Gaalkacyo, ayaa isla qaatay; In la joojiyo rasaasta ay is-weydaarsanayaan ciidanka labada maamul ee is hor-fadhiya, in la kala qaado iyo Wadahadalka uu noqdo mid sii socda oo miro dhala.

Sidoo kale, odayaasha-dhaqanka ayaa sheeegy in Gaalkacyo u baahan tahay in lagu wada-noolaado nabad-galyo, waxayna intaa ku dareen in dagaallada soo laab-laabtay ay ku xallin doonan sida u Wanaagsan oo Nabad-waarta ay ku imaan karto.

Docda kale, Imaam C/wahaab Maxamuud Gurey iyo Nabad-doon Khaliif Cabdi Dhalac oo ka mid ah Dhaqanka Gobolka Mudug, ayaa ugu baaqay Shacabka labada dhinaca inay is-dajiyaan qaybna ka noqdaan dadaalka ay ugu jiraan xal-u-helida dagaallada Gaalkacyo ka dhaca sannad walba.

Ugu dambeyn, Heshiiskan hordhaca ah ay wada-gaaren Odayada Dhaqanka ee maamullada Galmudug iyo Punltand ee, ayaa kusoo beegmayaa, iyadoo ay weli Degmada Gaalkacyo ka taagan-tahay xiisad dagaal oo ciidamo labadan maamul kala taabacsan.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected] 
Garoowe, Puntland - Soomaaliya