4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 9 , 2016
RW Itoobiya oo Maanta ku dhawaaqay in Xaalad deg-deg ah ay kusoo Rogeen Dalka (SAWIRRO)

Axad, Oktoobar 09, 2016 (HOL) — Xukuumadda Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqday in dalka ay gelisay xaalad deg-deg ah, kaddib mudaaharaadyo dalkaas ka socday lixdii bilood ee ugu dambeysay, kuwaasoo intooda badan ka dhacayay gobolka ay dagaan qowmiyadda Oromada oo shacabka dalkaas ugu tiro badan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa xaaladda deg-dega ah ee dalka la geliyay kaga dhawaaqay Maanta oo Axad ah - Telefishinka Xukuumadda Addis Ababa ay maamusho.

“Waddanka, waxaan kusoo rognay xaalad deg-deg ah, waayo waxaa halis weyn la geliyay amnigii dalka,” ayuu yiri RW Itoobiya oo shacabka kala hadlayay telefishinka xukuumada, isagoo intaa ku daray. “Xaaladdan deg-dega ah waa muhiim ah, waayo waxaan doonaynaa inaan muddo kooban dib ugu soo celinno xaaladda amni ee waddanka oo dhan.”

Xaaladdan deg-degga ah ayaa waxay imaanaysaa xilli xisbiga xukuma Dalkaas ee EPRDF uu isku dayayo inuu wadahadallo la furo axsaabta mucaaradka ah oo lagu eedeeyay inay ka yihiin mas'uul Dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka dhacaya waddankaas.

“Golaha Wasiirradu waxay ka doodi doonaan saameynta ay Dibad-baxyada ka socda dalka ku yeesheen nabad-galyada iyo horumarka,” ayuu mar kale Desalegn ku yiri hadalka uu ka jeediyay Telefishinka Xukuumaddu maamusho.

Mudaaharaadyadan rabshadaha wata, ayaa waxay caqabad weyn ku noqdeen horumarrada dhaqaalaha ah ee uu dalkaas ku Tallaabsaday sannadihii lasoo dhaafay, iyadoo Itoobiya ay tusaale u noqotay Afrika marka la eego dhanka horumarka.

Sidoo kale, Axaddii lasoo dhaafay ayaa 55-qof lagu dilay iska-horimaad Gobolka Oromia ku dhexmaray booliiska dalkaas iyo Dibadbaxayaal careysan, inkastoo tirada ku dhimatay Rabshadahaas la gaarsiinayo illaa 100 qof dad ka badan.

Ugu dambeyn, Xaaladda deg-dega ah ayaa waxay dalka Itoobiya ka hirgeli doontaa caawa, iyadoo aan la ogeyn muddada ay socon doonto, iyadoo goobaha ugu muhiimsan dalkaas ay ku sugan yihiin ciidammo aad u hubeysan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya