4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 9 , 2016
Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in degmada Gaalkacyo aysan kawada talin karin laba maamul


Axad, Oktoobar 09, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in Gaalkacyo ay kawada taliyaan laba maamul.

Guuleed, ayaa intaas ku daray in magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, aysan kawada-talin karin Galmudug iyo Puntland iyagoo aan kawada shaqeynayn ammaanka iyo nabadda shacabka ku nool magaaladaas.

“Magaalada Gaalkacyo, Waa Magaalada keliya ee Soomaaliya ku taalla oo u kala Qaybsan laba maamulna, ayna kawada taliyaan, taasna ma aha mid xilligan la aqbali karo,” ayuu yiri Madaxweyne Guuleed oo dib ugu laabtay Cadaado.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Waxaan u soo jeedinayaa Puntland inay nagala shaqeeyaan nabad-galyada oo mar walba ay Wararka Xanafta leh ee ay soo Gudbinayaan joojiyaan.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in shacabka Magaalada Gaalkacyo ku nool ay u baahan yihiin nabad iyo ammaan, balse aysan u baahnayn in mar walba lagu kor dagaallamo.

Ugu dambeyntii, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka Warbixiyay kulan uu Muqdisho kula qaatay saraakiil ka tirsan Xukuumadda Mareykanka. Wuxuuna sheegay inuu kala hadlay saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Mareykanka Duqeyntii Bishii hore ka dhacday dulleedka Gaalkacyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya