4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 9 , 2016
Guddiga Doorashooyinka oo ku baaqay in Xalliyo Tabashada Xubnaha ka-soo-jeeda Somaliland


Axad, Oktoobar 09, 2016 (HOL) — Guddiga Hir-gelinta Doorashada Dadban ee Somalia, ayaa ku baaqay mar kale in la xalliyo Cabashada ka imaanaysa Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobollada Waqooyiga Soomaaliya ee loo yaqaanno Somaliland.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee ku jira Dowladda Federaalka Sooomaaliya ayaa ka keenay Cabasho Saami-qaybsiga Xubanaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia, iyagoo dhawaan shaaciyay inay qaadaceen in Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay ka mid noqdaan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban ee Sannadkan 2016, Avv. Cumar Maxamuud Dhagey oo la hadlay Warbaahinta - ayaa ku baaqay in wax laga qabto Cabashada Xubnaha kasoo jeeda Somaliland.

Sidoo kale, Hadalka Avv. Cumar Dhageey ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Xubnaha Somaliland kasoo jeeda ee ku jira Dowladda Federaalka ay  Muqdisho ka sheegeen inaysan xubno metela ku yeelanayn Aqalka Sare.

Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ay ku yeelanayaan Xubnaha Somaliland kasoo jeeda, ayaa la Go’aamiyay in lagu soo Xulo Muqdisho, taas oo sabab looga dhigay inaan la  tegi karin Somaliland oo gooni-isku-taag ku dhawaaqday.

Ugu dambeyntii, Soo-jeedinta Guddiga Doorashooyinka Dadban ee ku aaddan in la xalliyo cabashada xubnaha kazoo jeeda Somaliland, ayaa waxay imaanaysaa xilli maamullada ka jira dalka ay inta badan soo gudbiyeen xubnaha ku metelaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya