4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 9 , 2016
Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaradka WADANI oo mar kale dib u dhacay iyo xisbigu oo ka hadlay


Axad, Oktoobar 09, 2016 (HOL) — Shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga Wadani, ayaa mar kale dib u dhacay, waxaana la sheegay in sideed cisho dib uga dhacay wakhtigii la qaban lahaa shirkaasi oo ahayd in bishan Octobar tobankeedda uu ka qabsoomo magaaladda Hargeysa.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga WADANI, Cismaan Afgaab iyo xoghayaha guud ee xisbiga WADANI Maxamed uur Cadde, ayaa sheega in musharaxiinta u tartamaya jagada musharaxnimadda madaxweynaha iyo ku xigeenka, isla markaana guddidii kala reebisay musharaxiintu soo gabogabaysay kala shuruudihii laga rabay musharaxa.

Ugu horeyn, guddoomiyaha golaha Dhexe Cismaan Afgaab, oo ka hadlaya sababta keentay inuu mar labaad dib u dhaco waxa uu yidhi “ waxa uu shirkii golaha dhexe ee xisbiga WADANI dib u dhacay muddo sideed cisho ah, iyadoo ay tahay xaflado masuuliyiin ku soo biiraya iyo xisbiga oo sii balaadhanaya, halkii uu ka dhici lahaa tobanka bishan waxa laga dhigay sagaal iyo tobanka bishan, xisbigu wuu sii balaadhay waxa ku soo biiraya taageerayaal badan”

Xogha xisbiga guud ee WADANI Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo isna ka hadlaya soo gudbinta araajiyadda codsiga musharaxa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxaanu yidhi “waxaan halkan ka shaacinayaa guddida kala reebista musharaxiinta oo rabta halkan inay umadda u sheegto inay soo gabogabayso kala reebista musharaxiinta, imikana ay taagan tahay xilligii musharixiintu soo gudbin lahaayeen araajiyadoodda, madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, waa inay xafiiska ka qaataan wixii shuruudo ah ee laga rabo musharaxa”

Shirweynahan xisbiga WADANI ayaa dhawr jeer oo hore dib u dhacay, waxaana ka dhex jiray loolan adag oo ka hadhay musharixiin u tartamaya madaxweyne ku xigeenka oo gaadhaya lix qof, kuwaas oo loolan adag dhexmari doonno shirweynahan soo socda.

Waxa isha lagu haya sida uu u dhici doonno shirweynahaasi, waxaana aad loo dareemayaa qabsoomidda shirkaasi oo la filayo inuu dhalinkaro dooddo iyo khilaafo hor leh oo ka dhasha shirweynahan xisbiga WADANI, iyadoo xisbiga kulmiyana rajaynayo inay soo dhoweeyaan garabyadda biyo diidi doonna shirweynahaasi.

Inta badan xisbiyada Somaliland mar kasta oo shir caynkan oo kale qabsadaan waxa jira siyaasiyiin ka biyo diidaa qaabka shirkaasi u dhacay ama danaynaya inay xilal ka qabtaan, kuwaas oo markii ay dantoodda ka arki waayaan ku biira hadba xisbiga ay danaynayaan inay dantoodda ka dhex arki karaan, taasina waxay dhalisaan guur guur siyaadeed oo kolba xisbi laga jabo mid kalana lagu biro.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland