4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 9 , 2016
Garsoorayaasha Awdal Qaarkood oo is-casilay iyo guddoomiyaha maxkamada sare oo ka hadlay


Axad, Oktoobar 09, 2016 (HOL) — Afar Garsoorayaal ka hawlgala Gobolka Awdal, ayaa sheegay inay iska casileen shaqaddii ay ka hayeen bahdda garsoorka, waxaanay xuseen inay farogalin lagu hayo garsoorka gobolka Awdal.

Sadexda garsoore ee degmadda Boorama iyo gudoomiyihii gobolka Awdal ee maxkamada Rafcaanka ayaa sheegay inay guud ahaan iska casileen xilalkii iyo xubinimadi ay ka hayeen waaxda garsoorka Somaliland, iyagoo eedayn u jeediyey gudoomiyaha maxkamadda sare eeSomaliland Aadan Xaaji Cali.

"Waxaan iska casiley xubinimadii garsoorka  aan ka hayey gobolka Awdal maadaama ay nasoo dhax gashay kalsooni daro iyo faro galin xukuumada ku hayso cadaaladii oo aanu ka ilaalin kari waynay in aanu cadaalada sugno,  waxanu go aan sanay in aanu iska casilo"ayuu yidhi Mukhtaar Mawliid oo ka mid ahaa garsoorayaasha iscasilay.

Hase yeeshee, gudoomiyaha maxkamadda sare  ee Somaliland Aadan xaaji Cali oo ka hadlay garsoorayaashan is casilay, ayaa sheegay inuu duufsaday gudoomiyihii hore ee maxkamadda racfaanka gobolka Awdal oo uu xusay in uu shaqada si ku meel gaadh ah uga joojiyey ka dib markii cabasho uga yimid dadweynihii uu u adeegayey.


"Gudida cadaaladu sida ugu dhakhsaha badan ayey u soo buuxinaysaa boosaska ay baneeyeen xubnihi is casiley, waxa wadanka jooga muwaadiniin badan Aqoon iyo khibrad u leh Garsoorka oo aan shaqo haynin"ayuu yidhi gudoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in ku dhowaad konton garsoore oo iskugu jira kalkaaliyeyaal, garsoorayaal iyo shaqaale kale ka hawlgalaan gobolka Awdal, isla markaana tilmaamay in aanay saameyn ku yeelan Karin afartaasi Garsoore ee is casilay, waxaanu yidhi “Degmdda Boorma waxa iska casilay dhawr garsoore, hal garsoore oo gobolka ah iyo saddex degmadda ah, iyo nin Guddoomiyihii hore ee racfaanka ahaan jiray, sida la socono garsoorka dib u hayban xoog ah ayaa ka socotay, mushaharkoodii sare loo qaaday, meelihii ay ku shaqaynayeyeen waa la hagaajiyey iyo xuquuqahoodii waayo dadka garsoorka ka shaqaynaaa waa inay dad niyaddooddu wacan tahay noqotaa, isla xisaabtan wuu soconayaa, arrinta Awdal afartan is casilay waxay saaxiib la ahaayeen gudoomiyaha racfaanka gobolka Awdal oo aan shaqada ka joojiyey, waxaana gobolka ka hawlgala inka badan konton Garsoor oo iskugu jira garsoorayaal, kalkaaliyeyaal, afar qof oo u muuqda inay saaxiibo yihiin u malayn maayo inay matali karaan AWDAL oo dhan, xukuumad farogalisaana ma jirto anigaa madaxdii garsoorka ah, wixii cabasho ah ee garsoorku qabaan aniga la isoo gudbiyaa, wax cabasho oo hore iga timid ma jirto, mar waxay yidhaahdeen Madaxweyne ku xigeenka meel uu madaxweyne ku xigeenku garsoorka ka soo galeena ma jirto, garsoorayaasha muddo gaaban ayey shaqaynayey dacwaddo badana kama qaybgalin, waana baadhaynaa arrinta sababtay inay is casilaan,”.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland