4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 9 , 2016
Bannaanbax lagu muujinayo midnimada bulshada oo ka dhacay St Cloud MN Mareykanka


Axad, Oktober 09, 2016 (HOL)-Waxaa shalay Sebtidii ka dhacay magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka bannaan bax.

Bannaax baxaas ayaa qawmiyadaha kala duwan ee halkaa kunool ku muujinayeen midnimadooda. Qawmiyadahaa ayaa waxaa ka mid ah Soomaalida.

Arinkaan ayaa kusoo beegmaya ayadoo labo maalin ka hor lasoo bandhigay muuqaal kusaabsan dhacdadii suuqa laga dukaameysto ee ninka Soomaalida ahaa lagu dilay kadib markii uu dad badan oo halkaa kusugnaa uu mindi la dhacay uuna dhaawacay bishii hore.

Waxyar kadib ayaa kooxo arintaa ka careysan waxay faduul iyo dhibaateyn u geysteen jiir xumeyn ahaa Soomaalida ayadoo mootooyin inta soo qaata Soomaalida meelaha ay daggan yihiin inta tagaan ay oraah faquuq ah ay ku lahaayeen Soomaalida.

Arinkaa ayaad hase ahaatee moodaa in xal in laga gaaro ay ku dhowdahay loona arkaayo in uu ahaa fal uu halkaasi nin geystay ee Soomaalidu aysan ka raali ahayn ka bulsho ahaan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]