4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 8 , 2016
Madaafiic Goor-dhaw ku dhacay Qaybo ka mid ah Xaafadda Buulo-xuubey ee Degmada Wadajir


Sabti, Oktoobar 08, 2016 (HOL) — Waxaa Goor-dhaw, ku dhacay Xaafadda Buul-xuubey ee Degmada Wadajir Hoobiyeyaal aan la garanayn khasaaraha ay geysteen, inkastoo ay ku dhaceen masaajid lagu tukaday salaaddii maqrib iyo guryo u dhaw.

Madaafiicdaan, ayaa la ogeyn halka laga soo tuurayiyo goobaha lagu beegsanayay, iyadoo aysan sidoo kalena jirin cid sheegatay mas'uuliyaddooda.

Hay’adaha Ammaanka Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin Madaafiicdaan ku dhacday xaafadda Buulo-xuubeey, iyadoo aysan ahay markii ugu horreysay oo Madaafiic noocan oo kale ah ay ku dhacaan xaafadda Buulo-xuubeey.

Wixii kasoo kordha duqeymahan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya