4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 8 , 2016
Maamulka Galmudug oo beeniyay inuu jiro xiriir iyo Iskaashi kala dhexeeya Xarakada Al-shabaab


Sabti, Oktoobar 08, 2016 (HOL) — War-saxaafadeedka maamul-goboleedka Galmudug uu maanta soo saaray ayaa wuxuu jawaabeen kaga bixiyay hadal shalay kasoo baxay Puntland oo ahaa in xiriir uu ka dhexeeyo maamulka Galmudug iyo Al-shabaab.

Haddaba; AKHRISO War-saxaafadeedka Galmudug kasoo baxay oo sidan u qornaa;

Waxaa shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Galmudug iyo kuwa Puntland kaddib markii ay dhismo ka bilaabeen dhul aan dhismo loogu talo-gelin oo murano ka jireen iyagoo hawl-galkooda ku billaabay rasaas ay soo fureen Ciidamadii ku sugnaa goobtaas ee Galmudug, iyadoo Ciidamada Galmudug ay billaabeen Difaac iyo iska-cabin.

Sidoo kale, waxaa wax lala yaabo ah in Puntland ay war-saxaafadeed ku sheegtay in ciidan Galmudug iyo Al-shabaab oo iskaashanaya ay soo Weerareen, taas oo ah Faham Hooseeya, waayo wax Is-garabsi iyo Cilaaqaad ah oo ka dhexeeya Galmudug iyo Al-shabaab ma jiro, Balse Galmudug iyo Al-shabaab waxaa ka dhaxeeya dagaal, waxaana Galmudug ka go’an inay ka sifeyso Al-shabaab deegaannadeeda.

Waxaa kaloo nasiib-darro ah in Puntland ku sheegtay War-saxaafadeedka ay soo saartay in dagaalkii shalay uu ahaa mid aar-goosi ah oo Jawaab u ahaa duqeyntii deegaanka jeexdin ka dhacday, taas oo aan u aragno in Puntland ay ku Saan-tirayso Weerarka ay soo qaaday; waxayna caddeyn u tahay colaada ay waddo Puntland. Halka Galmudug ay ka go’an tahay ku shaqaynta nabad-ku-wada noolaasho dhexe marata laba shacab iyo labada maamul; sidii aan marar bdan ugu baaqnay.

Ugu dambeyn, Maamulka Galmudug wuxuu u bandhigayaa Dowladda Federaalka Somalia iyo Beesha Caalamka Sida; EU, AU iyo IGAD; inay hoos u eegaan Hadallada Deel-qaafka ah ee mar walba kasoo baxaya Puntland, isla markaana xal loo helo hadallada ku aaddan in uu jiro xiriirka ay sheegtay inuu ka dhexeeyo Galmudug iyo Al-shabaab, taasoo Gef ku ah Maamulkeenna.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya