4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 8 , 2016
Madaxweyne Xasan oo Muqdisho kula Kulmay Maanta Wakiilka QM ee Ammaanka (SAWIRRO)

Sabti, Oktoobar 08, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xarunta madaxtooyada Somalia kulan kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha amniga, Peter Thomas Drennan, iyagoo kawada hadlay arrimaha doorashada, amiga iyo siyaasadda dalka.

Xasan sheikh ayaa kulankan ka sheegay in Qaban-qaabada Doorashooyinka taariikhiga ah ee sanadkan 2016-ka ka dhacaya Somalia, ay si Habsami leh u socdaan, isla markaana ay ku qabsoomi doonto waqtiga loogu talagaley.

“Somalia waxay maalinba maalinta ka dambeysa kusii tallaansaneysaa horumarro dhinaca siyaasadda iyo Ammaanka ah oo Mustaqbal wanaagsan waddanka loogu dhisayo. Waxaan meel-marinay barnaamijyo dhawr ah oo la xiriira amniga & siyaasada oo aan ku ansixinay nidaam wada ogol ah. Waxaana hubaal ah inaanu si tartiib-tartiib ah uga mira-dhalin doono Barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliyada cusub oo leh Kaabeyaasha Siyaasadda ee Qaran walba u baahan yahay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia, ayaa sidoo kale kulankaan kaga dhawaaqay inuu shirka Madasha Hoggaanka Qaranka 10-ka bishan Oktoobar ka Furmi doono Muqdisho, loogana Arrrinsan doono Dardar-gelinta Doorashada, Amniga iyo Siyaasadda Waddanka.

“Waxaa ka go’an hoggaamiyeyaasha iyo shacabka Soomaaliyeed inay horay u dhaqaaqaan. Waxaanan ka Mahad-celinaynaa taageerada QM ay Arrimaha Soomaaliya ka geysanayso,” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Xasan.

Dhanka kale, Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Amniga, Peter Thomas Drennan oo isagana kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu laba sanno ka hor Muqdisho yimid, iska markaana uu qirayo inuu jiro horumar lagu tallaabsaday oo u baahan in la sii adkeeyo. wuxuuna xusay inay Qaramada Midoobay ka go’an tahay inay sii waddo, isla makraana xoojiso wada-shaqeynta iyo iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay.

Ugu dambeyn, Kulankan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia, Danjire Michael Keating & mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya