4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 8 , 2016
PUNTLAND: Shuruudaha looga baahan yahay Xubnaha u Tartamaya Aqallada Baarlamaanka Qaran


Sabti, Oktoobar 08, 2016 (HOL) — Guddiga Doorashooyinka dadban ee Puntland ayaa soo saaray Maanta Warsaxaafadeed ay sharuudadaha laga doonayo xubnaha u tartamaya labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ku sharraxan yihiin.

Shuruudaha looga baahan yahay Codsadaha Musharaxnimada, waxay kala yihiiin;

1. Yahay muwaadin Soomaali ah
2. jiraa ugu yaraan da,da 25 sano maalinta doorashada
3. uu haystaah shahaado dugsi sare ama khibrad u dhigantah
4. kamid ahayn GDGHDD ama ergada doorashooyika
5. Uu kamid yahay beesha kursiga iska leh
6. in heer maxkamadeed lagu xukumin danbi uu galay 5-tii sano ee la soo dhaafay
7. heer maxkamadeed lagu xukumin danbi uu galay 5-tii sano ee la soo dhaafay
8. Dhigida koontada GDGHDD lacag dhan $ 10,000 Raga,( $ 5000)dumarka musharaxiinta aqalka sare.
9. Dhigida koontada GDGHDD lacag dhan $ 5000 Ragga,(2500) Dumarka musharaxiinta golaha shacabka.

Soo Gudbinta Codsiga Musharraxnimada ayaa ah;

Xubin walba oo doonaya inuu codsado musharaxnimo waa inuu buuxiyaa arjiga codsadaha ee GDGHDD Ujeedkaan u Ansixiyey, uuna soo gudbiyo dukumiintiyada hoos ku xusan ee taageeraya musharaxnimada.

1. Arjiga codsiga oo la buuxiyey,GDGHDD ay an sixisay
2. Koobiga aqoonsi,warqada dhalashada ama baasaboor.
3. Shahaado dugsi sare ama warqad rasmi ah oo ka socota hay,ad horay u shaqaalaysiisay
4. Rasiid bangiga oo cadaynay bixinta lacagta musharaxnimada oo aan dib loogu soo celin doonin musharaxa ee dhan $10,000 Ragga,($ 5000) dumarka aqalka sare,$ 5000 Ragga,($ 2500)dumarka aqalka hoose,lagu shubay koontada ay samaysatay GDGHDD uu musharaxu iska diiwaan galinaayo.
5. Saxiixa xeerka anshaxa.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan Online
[email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliya