4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 8 , 2016
Todobaadka dhaqanka Soomaalida oo diyaar garow loogu jiro Nairobi Kenya

Sabti, Oktober 08, 2016 (HOL)-Waxaa Nairobi ka socda diyaar garow loogu jiro bandhigga todobaadka dhaqanka Soomaalida oo asbuuca dambe la qaban doono.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa uu soo socday oo sanad waliba lagu qabanaayay Somali Heritage Week (Todobaadka Dhaqanka Soomaalida) bandhigiisa caasimada Nairobi. Todobaadka dhaqanka ayaa iminka lagu wadaa in la qabto 13ka bishaan.

Waxaa uu ka dhici doonaa tiyaatarka Kenya [Kenya Cultural Centre] ee caasimada Nairobi.

Todobaadka dhaqanka Soomalida waxaa lagusoo bandhigi doonaa bandhigyo kala duwan sida bandhig dhaqameed kusaabsan dhamman dhaqanka Soomaaliyeed qaybahiisa kala duwan, farshaxan, buugaag ka hadlaya dhaqanka iwm.

Waxaa sidoo kale jiri doonta dood cilmiyeed kusaabsan waxqabadka bulsho weynta Soomaalida.

Bandhigga ayaa lacag la'aan lagu galayaa waxaana isku soo dubba riday maamulka xarunta dhaqanka ee Aw Jaamac ee xaafada Islii.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]