4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 8 , 2016
9 shaqaalaha gargaarka ah oo Soomaaliya lagu dilay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay

Sabti, Oktober 08, 2016 (HOL)-Sagaal ka tirsanaa shaqaalaha samafalka ayaa Soomaaliya lagu dilay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay.

Warbixin ay soo saadhay QM ayaa sidaa lagu xusay. Xafiiska OCHA ee QM ayaa warkaa uu kasoo baxay gaar ahaan shalay Jimcihii.

Waxaa sidoo kale warbixintaasi xustay in 11 kale oo ka tirsanaa shaqaalaha samafalka bilahaa lagu dhaawacay gudaha Soomaaliya.

"Badbaadada shaqaalaha iyo ammaanka ayaa ah wali walaac weyn," xogta ayaa sidaa lagu yiri.

Soomaaliya ayaa wali dhibaatooyin ka dhacaan dhanka ammaanka ah inkastoo ay haatan kasoo baxayso rubuc qarni dagaal sokeeye ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]