4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 8 , 2016
Boqolaal qof oo duufaanta Mathews ku dishay Haiti

Sabti, Oktober 08, 2016 (HOL)-Duufaanta Mathews ayaa ku dishay boqolaal qof dalka Haiti ee Latin Amerika.

Ugu yaraan 8 boqol oo qof ayaa duufaantaasi ba'an ka takhalustay dalka Haiti. Si kastaba ha ahaatee QM iyo hayado kale oo samafal ayaa sheegay in khasaaraha dhabta ah oo ay kujidho tirada dhimashada ee dhabta ah uu kala caddaan doono maalmaha soo socda ayadoo tirada dhimashadu intaa aad uga badan kareyso.

Hayado gargaar ayaa raashin iyo alaabo gaarsiiyay dadka tabaaleysan ee musiibadaasi ku habsatay.

Korontada ayaa qeybo badan oo dalkaas ah ka maqan kadib markii duufaantu burburisay xargaha korontada iyo baalleyaasha.

Duufaanta ayaa iminka u tillaabtay Mareykanka gaar ahaan gobolada Florida iyo South Carolina.

Dad malaayiin gaaraya oo ku nool goboladaa iyo kuwo kale oo ku dhow ayaa la daad gureeyay si loo badbaadiyo.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]