4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 8 , 2016
Barakac baahsan oo ka dhashay dagaalkii Gaalkacyo ee shalay

 

Sabti, Oktober 08, 2016 (HOL)-Barakac baahsan ayaa ka dhashay dagaalkii shalay ku dhex maray ciidamada Puntland iyo Galmudug duleedka Gaalkacyo.


Barakacayaasha xeryaha barakaceyaasha ee duleedka magaaladaa ah ayaa qaarkood la sheegay inay u sii barakaceen gudaha magaalada. Qaar badan oo barakaceyaashaa ah ayaa hase ahaatee door biday inay joogaan guryahooda isla xeryahaa inkastoo dirirtu halkii ay ka dhacaysay ay ku dhawaayeen.


Dagaalka ayaa ka dhashay muran ku saabsan dhisme laga dhisay meel ku dhow xadka u dhexeeya labada dawlad goboleed.

 

Saaka ayaa hase ahaatee magaaladu daggan tahay ayadoo shalay dagaalku wax yar kadib uu u istaagay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]