4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 7 , 2016
MADAXWEYNAHA: Waa in Deg-deg loo joojiyo Dagaallada ka dhacaya Magaalada Gaalkacyo


Jimco, Oktoobar 07, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta sheegay in wax laga xumaado ay tahay in mar kale si macno-darro ah loo daadiyo dhiiga shacabka ku dhaqan Gaalkacyo, halkaas oo laba kooxood oo iska soo horjeeda ay ku dagaalamayaan.

“Waxaan ku baaqayaa in deg-deg loo joojiyo dagaalka ka socda Gaalkacyo, wixii khilaafaad ee jirana wadahadal lagu dhammeeyo. Somalia uma baahna colaad kale iyo dhiig micno la'aan loo daadiyo,’’ ayuu yiri Madaxweynaha DF.

Xasan Sheekh ayaa xusay in Somalia ay ku jirto Xaalad dib u heshiisiin iyo adkeynta dowladnimadeeda, gaar ahaan doorashooyinka dhowaan dhacaya, loona baahan yahay in laga fogaado wixii hannaankaasi carqaladeynaya.

“Somalia waxay mareysaa marxalad xasaasi ah oo biseylka dowladnimo lagu qiimeynayo, waana nasiib-darro in iyadoo la Wadahadli karo qori caaraddiisa xal lagu raadiyo. Ma aqbali karno in Shacabka loo hor-seedo Colaado hor leh oo qaranimadeena bur-burin kara,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh..

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ugu baaqay maamullada Puntland iyo Galmudug inay deg-deg gacan uga geystaan joojinta colaadda jirta, isagoo mar kalena xusuusiyay shacabka Soomaaliyeed inay waqtiyadii isla-xisaabtan la’aantu dhammaadeen, lalana xisaabtami doono cid kasta oo carqaladeyneysa amniga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya