4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 7 , 2016
SAWIRRO: Shiikh Shariif oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Somalia kana hadlay Dagaalkii Gaalkacyo

Jimco, Oktoobar 07, 2016 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna murashax u taagan xilka madaxweynaha Somalia, Shariif Sh. Axmed ayaa la kulmay maanta Danjiraha dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Stephen Schwartz, wuxuuna sidoo kalena ka hadlay dagaalladii maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Kulanka Sh. Shariif iyo Stephen Schwartz oo ka dhacay Xalane ayaa la iskula soo qaaday Xaaladda Dalka iyo Doorashooyinka dhawaan dhacaya, Waxaana Danjire Stephen uu uga Mahad-celiyay Madaxweynihii hore inuu ka aqbalay inuu la kulmo, isagoo ka hadlay doorka dowladda Maraykanka ay ku aadan Taakuleynta Soomaaliya.

Danjire Schwartz ayaa u xaqiijiyay Madaxweynihii hore sida Xukuumadda Maraykanka ay ugu han-weyn yihiin Somalia oo nabdoon, lehna hay'ado Dowli ah oo awoodi kara Sugidda Amaanka, bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kana gudubta Musuq-maasuqa iyo Xasilooni-darada siyaasadeed.

Sidoo kale, Shariif Sheekh Axmed ayaa danjire Stephen Schwartz oo dhawaan xilkaan loo magacaabay ugu hambalyeeyay hawsha loo xil-saaray, isagoo intaas ku daray in Dowladda Maraykanka ay Door muhiim ah ka Qaadatay Kaalmaynta Shacabka Soomaaliyeed iyo in lala dagaallamo kooxaha Nabad-diidka ah.

Shariif Sheekh Axmed ayaa Danjiraha u sheegay in haddii Xilka Madaxweynaha Somalia loo doorto uu ka Hir-gelin doono dalka siyaasad furfuran, dib u heshiisiin dhab ah, ka hor-taga Musuq-maasuqa, helitaanka adeegyada bulshada, dhamaystirka, Ansixinta Dastuurka iyo sidii uu dalka u gaarsiin lahaa qof iyo cod sannadka 2020-ka.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Somalia, Shariif Sheekh Axmed ayaa si gaar ah uga hadlay maanta colaadaha kasoo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, isagoo ku baaqay in colaada la joojiyo, waxyaabaha la isku hayana lagu dhameeyo wada-hadal is-af-garad.

"Marxaladda aan maanta ku jirno waxaan oran lahaa waa nasiib-darro weyn inay mar kale Deegaannadaas kasoo cusboonaadaan Dagaallo, waxaan u baahan nahay in aanu xoojinno nabadda, is-jaceylka iyo Walaalnimada ka dhaxeysa shacabka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay quseyso inay xabadda joojiyaan, qaybaha ka Qayb-qaadanaya dagaalladaas ama saameynta ku leh, isla markaana dadkii walaalaha ahaa ay dib u wada-degaan iyagoo nabad ah, Runtiina waa wax laga naxo in mar kale ay maanta Wiil iyo Gabar Soomaaliyeed oo aan Waxba Galabsan oo ay ahayd in ay Nolol Wanaagsan ay hiigsadaan ku geeriyoodaan, ku naafoobaan, ku barakacaan dagaallada dhacaya," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xusay in Dagaal Ahli ah aysan jirin cid ku guul ku gaaraysa, uuna yahay khasaaro dhinac walba oo la eego. isagoo intaas ku daray in caqligeenii wanaagsanaa, walaalnimadii, Islaamnimadii iyo ALLE ka cabsigii loo laabto lana joojiyo dagaallada socda, Isagoo Dadkii ku dhintay Dagaalladii Maanta Tacsi u diray, intii dhaawacantayna caafiamad u rajeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya