4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 7 , 2016
Dagaalkii saakay ka qarxay Gaalkacyo oo galabta Joogsaday iyo Labada Maamul oo ka Hadlay


Jimco, Oktoobar 07, 2016 (HOL) — Dagaalladii saakay ka qarxay degmada Gaalkacyo ee gobolka Muduga una dhexeeyay ciidammo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug ayaa si iskiis ah u joogsaday, iyadoo siyaabo kala duwan ay uga hadleen labadan maamul.

Inta la ogyahay dagaalkan ayaa waxaa ku geeriyooday 5-qof oo mid ay ahayd haweeney, halka ay ku dhaawacmeen 10-qof oo kale, kuwaasoo haatan lagu daweynayo isbitaallada magaalada Gaalkacyo.

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa dagaalka siyaabo kala duwan uga hadlay, iyadoo maamul walba uu kan kale ku eedeeyay inay iyagu Weerarka kusoo qaadeen. iyadoo weli la dareemayo saameynta colaadihii maanta ay reebeen.

Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, Xirsi Barre Yuusuf oo Warbaahinta la Hadlay ayaa ku eedeeyay Puntland inay mas’uul ka ahayd weerarkii saaka ka qarxay Galbeedka degmada Gaalkacyo, isagoo xusay in ciidanka Puntland ay weerareen dhul ay dhisanaysay Galmudug, iyaguna ay iska caabiyeen.

“Puntland, waxay soo weerartay Dhul la isku haystay oo ku yaalla Galbeedka Gaalkacyo, waana la iska caabiyay. Balse waxaan leennahay dagaal ma ahan wax wanaagsan, waxaana ku baaqaynaa nabad,” ayuu yiri Xirsi Barre.

Sidoo kale, Maamulka Puntland ayaa iyagana ku andacooday in ciidammo ka tirsan Gal-mudug ay soo weerareen meel laga dhisayo Max-jarka Xoolaha ee magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale, Saraakiil ka tirsan Puntland - ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka ay kusoo qaadeen ciidamada Galmudug, inkastoo ay ka gaabsadeen inay bixiyaan faahfaahin intaas ka badan.

Ugu dambeyn, Xiisadaha u dhexeeya Galmudug iyo Puntland ayaa meel xun gaartay bishii lasoo dhaafay kaddib markii diyaarado dagaal oo Mareykanku leeyahay ay duqeeyeen xero ciidan oo ku taalla dulleedka Gaalkacyo, oo ay Galmudug sheegtay in lagu dilay 22 ka mid ah ciidammadooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya