4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 7 , 2016
Madaxweynaha Dalka Colombia oo la guddoonsiiyay Abaal-marinta Nabadda ee Sanadkan 2016-ka


Jimco, Oktoobar 07, 2016 (HOL) — Abaal-marinta Nabadda Dunida ee Nobel Peace Prize ee Sannadkan 2016, ayaa waxaa maanta la guddoonsiiyay Madaxweynaha dalka Colombia, Juan Manuel Santos, iyadoo la sheegay inuu dadaal u galay soo af-jarida dagaalkii Dalkiisa ka socday muddada 50-sannadood ka badan.

Guddoomiyaha Guddiga Abaal-marintan ee Norway, Kaci Kullman Five ayaa sheegtay in Juan Santos uu billaabay Wadahadallo Hor-seeday markii dambe heshiis nabadeed oo lala galay Jabhadda FARC.

Sidoo kale, Haweeneydu waxay xustay inkastoo inta badan codbixiyayaasha Colomiba ay diideen heshiiskaas oo afti loo qaaday, Haddana taasi aysan la macno ahayn in Hannaanka lagu raadinayay nabadda dalkaas uusan dhiman.

Kaci Five, Waxay arrin muhiim ah ku tilmaantay in Mr. Juan Santos uu hadda isugu yeeray dhammaan dhinacyada, si ay uga qayb-qaataan wadahadal nabadeed si arrintan looga mira-dhaliyo.

Dhanka kale, Colaadihii Dalka Colombia ka dhacay ayaa waxaa naftooda ku waayay in ka badan 260,000 oo Qof, halka ay ku barakaceen in ka badan Lix Milyan oo Ruux, kuwaasoo qaarkood u cararayay dalal aad uga fog dalkooda.

Madaxweynaha Colombia Juan Santos, ayaa laga soo xulay liiska 376 oo 228 ay ahaayeen hay’ado Dunida oo dhan laga soo xulay, iyadoo abaal-marintan ay noqonaysaa middii ugu horreysay oo la siiyo mas’uul Colombian ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dalka Colombia ayaa ku dhashay Magaalada Bogota 10-ka bishii August ee Sannadkii 1951-kii, wuxuuna madaxweynaha Dalka Colombia noqoday Sannadkii 2010-kii, iyadoo mar kale xilka dib loogu doortay Sannadkii 2014-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya