4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2016
Hay’adda Sovoyodo oo Arday la baray xirfado kala duwan u qabatay xaflad Qalin-jabin ah

Jimco, Oktoobar 07, 2016 (HOL) — Hay’adda Sovoyodo ayaa xaflad qalin jabin ah u qabatay arday isugu jira willal iyo gabdho bartay xirfado kala duwan ,waxaana munsaabad-dan oo ka dhacday magaalada Bosaaso ka soo qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Bosaaso.

Agaasimaha hay’ad-dan C/wali Xasan Gooni ayaa goobta ka sheegay in ardaydan ay barteen xirfadaha kala ah Dawaarka ,Shaqo Guri, soo Dhaweynta iyo waliba Korontada ,waxaana uu tilmaamay in muddo afar bilood ah ay xirfad-dan baranayeen.

“Waxaan ku dadaalnay in aan dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo u abuurno ,ilaa iyo hadda waxaa xarunta tababarkeena ka qalin-jabisay arday badan oo hadda wadanka ka shaqaysta “ ayuu yiri Agaasimaha oo xusay in qorshahooda uu yahay in dhalinyarada Somaliyeed laga bad-baadiyo tahriibka.

“Waa dufcad-dii labaad oo sanadkan qalin-jabisa , waxaana ay isugu jiraan 30 gabdhood iyo 20 wiil oo aan ku rajo- weyn-nahay in ay dalka wax badan u qabtaan “ ayuu mar kale yiri Gooni oo u mahad-celiyay hay’ad-da SOCCO oo mashruucan kormeere ka ah.

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Bari , aqoon-yahano ,waxgarad,culumaa’udiin iyo waalidiinta ardayda qalin-jabinaysa ayaa goobta ku sugnaa ,waxaana aad looga hadlay kaalinta xirfadaha gacanta ay ku leeyihin horumarinta bulshada.

“Waxaan idiin sheegayaa in uu jiray oday dadka deegaanka ah oo wiil uu ka tahriibay, markii uu tabar u waaayay bixinta qarashaadkii laga soo dalbaday waxa uu gaday halkii guri ee magaalada uu ku lahaa , hadda odeygii waxaan ku darnay dadka barakacayaasha ah , marka ka digtoonaada in aad waalidkiin kaliftaan “ ayuu yiri xildhibaan Maxamed Colow oo la hadlayay ardayda.

Ugu danbayn, mashruucan oo ay ka faa’idaysteen arday kor dhaafaysa boqol ayaa waxaa maal-galinaysa hay’adda USADF , waxaana ilaa iyo hadda la sheegay in arday badan uu ka baajiyay tahriibkii ay wadanka kaga tagi lahaayeen.

Faysal M. Hassan
[email protected]