4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 7 , 2016
DAAWO: St Cloud oo lagu qabtay shir jaraa’id oo ku aadan weerarkii suuqa Cross-Road (Sawirro)

Jimco, Oktoobar 07, 2016 (HOL) — Shir jaraa’id oo maalintii shalay ahayd lagu qabtay magaalada St Cloud ayaa waxaa lagu soo bandhigay Muuqaallada Weerarkii  uu bishii September 17-keedii suuqa CrossRoods ee Magaaladda St Cloud ka geystay Daahir Aadan oo isagana meesha lagu dilay.

Muuqaalada Filmkan ah ee la soo bandhigay ayaa laga arkayaa Dahir Aden oo wata laba madiyood oo ah kuwa guryaha loo adeegsado isla markaana la dhacaya dadka suuqa ka adeeganayay,isagana sidaa ayaa waxaa ku toogtay nin ka tirsan booliiska magaaladaa oo markaa aan shaqada ku jirin

Muuqaalada lasoo bandhigay mid ka mid ah ayaa waxa uu muujinayay qof dukaan iibinaya oo ka War-doon is leh Dad kala Cararaya Dukaanka hortiisa, kaddibna u soo dhaqaaqaya dhinaca albaabka oo markuu albaabka soo gaaro la kulmaya Daahir Aaden oo laba mindi wata, waxaana uuna Daahir  ninkii dukaanlaha ahaa ku bilaabaya inuu tooreeyo.

Madaxa FBI-da ee gobalka Minnesota Richard Thornton oo ka hadlayay shirka jaraaid ayaa sheegay inay baaristu weli socoto, hase ahaatee ay go’aansadeen inay muhiim tahay in bulshada ay la wadaagaan halka ay wax marayaan.Sidoo kale, Thornton ayaa sheegay inay wareysteen dad gaaraya 180-qof, xog bandana ay heleen, isagoo intaa ku daray in Teleefankii  Dahir Adan  uu xiran yahay ayna  ku guda jiraan sidii ay ku heli lahaayeen xogta ku jirta.

Madaxa FBI-da oo ka hadlayay waxa ay ka ogyihiin weerarkii uu geystay Dahir Adan ayaa sheegay in daahir dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu si weyn isu badalay, dabeecad aan lagu aqoon uu la yimid.

Dhanka kale, Waxaa la sheegay in Dahir Adan uu ahaa wiil waxbarashada ku fiican balse si lama filaan ah uu hal mar hoos uga soo dhacay heerkii sare ee uu waxbarashada ka joogay, saaxiibadiina waxa ay sheegeen inuu la soo baxay dabeecad aan hore loogu aqoon

Xeer ilaaliyaha Degmada Stearns oo Magaalada St Cloud ay hoos tagto, Janelle Kendall oo iydana ka hadlaysay Shirkan jaraa’id ayaa sheegtay in  Jasan Falconer, Sargaalkii toogtay Daahir Aaden oo xilligaas wax shaqo aanu ku jirin balse ka mid ahaa dadkii dukaamada ka adeeganayay uu falkiisu ahaa mid sharciga waafaqsan, wax danbi ah oo lagu soo oogayana aaney jirn.

Ugu dambeyntii, Hoggaamiyayaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magalada St Cloud ayaa sheegay in muuqaaladii la soo bandhigay ay ahaayeen kuwo argagax leh balse aaney ogeyn waxa keenay in Daahir Aadan uu Tallaabadaas qaado oo ay ka war dhawrayaan marka at baaristu dhammaato.

Siyad S Salah, Hiiraan Online
[email protected] 
Minneapolis, Minnesota