4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 7 , 2016
Warbixin QM soo saartay oo sheegtay in gabdhuhu 40% ka hawl badan wiilasha

Jimco, Oktober 07, 2016 (HOL)-Gabdhaha ayaa 40% waqti ka badan kan wiilashu ku bixiyaan hawlaha ku bixiya hawlaha.

Sidaa waxaa sheegtay warbixin ay qortay hayada arimaha carruurta QM u qaabilsan. Hawlahaa ayaa ah kuwo lacag aysan ku qaadan oo qoysaskooda ay u qabtaan. 

UNICEF ayaa sheegtay in kala duwanaanshiyaha waqtiga ah uu noqday 160 daqiiqo caalamka oo dhan maalin walba.

3dii gabdhoodba labo ayaa cuntooyinka karsha dharna dhaqa. Kala bar gabdhaha caalamka ayaa soo gura qoryaha biyana cidaha usoo dhaansha.

Waxay sidoo kale gabdhuhu qabtaan shaqooyin kale oo guri oo aan la arkayn sida haynta carruurta yaryayr, haynta dadka duqeyda ah iwm sida warbixintu xustay.

Hawlaha ayaa warbixintu xustay inay ku badan yihiin gabdhaha jira min shan ilaa sagaal sano kuwaasoo hablaha kale dheer 30% markii ay gabdhuhu gaaraan da'da afar iyo tobana waxayba sare ugu kacdaa ilaa 50%.

Hawlaha qorya soo guritaanka ama biyo soo dhaaminta ayaa warbixintu sheegtay in gabdhaha yaryar ay galiyaan khatar ah in la fara xumeeyo ama la kufsado inta ay ku maqan yihiin inta meelo cidlo ah lagu helo.

Soomaaliya gabdhaha jira min 10 ilaa 14 ayaa shaqada guriga qabta 26 saacadood asbuucii -waana sida wadan walba qiyaas ahaan arinkaasi yahay. 

Burkina Faso iyo Yemen ayaa gabdhuhu ugu hawlo badan yihiin oo wiilasha ay aad ugu hawlo badan yihiin waxaana arinkaa la qaba dalal kale oo dhawr ah un.

"Gabdhuhu waxay huraan fursado muhiim ah sida waxbarashada, koritaanka wanaagsan iyo inay carruurnimadooda ku istareexaan," Anju Malhotra oo UNICEF ka tirsan ayaa sidaa tiri.

Xogta ayaa waxaa sidoo kale kujiray in gabdhaha loo geysto xad gudubyo kale sida gudniinka fircooniga ah iyo ayagoo yaryar oo la guursado. 

Warbixinta ayaa si rasmi ah loo soo saari doonaa 11ka bishaan Oktoobar oo ah maalinta gabdhaha ee caalamka.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]