4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 7 , 2016
WARAR DHEERAAD AH: Dagaalka Gaalkacyo ku Dhexmaraya Ciidamada Galmudug iyo Puntland


Jimco, Oktoobar 07, 2016 (HOL) — Ugu yaraan shan ruux oo labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, 10-kalena at ku dhaawacmeen, Dagaal u dhexeeya Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug oo Saakay Aroortii ka Qarxay degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dagaalkaan, ayaa la sheegay inuu ka billowday muran ku saabsan Saldhig ay Galmudug ka dhisatay Galbeedka Gaalkacyo, kaasoo maamulka Puntland uu diiday, waxaana murankaas uu keenay inay labada maamul gacanta iskula tagaan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay qaadeen ciidamada Galmudug, inkastoo warkaa aan la xaqiijin karin, laakiinse dagaalka xooggiisa ayaa wuxuu ka socdaa Agagaarka goobtii ay Puntland u asteysay in gaadiidka xamuulka ah ay ku kala wareegaan.

Goob-jooge ku sugan Gaalkacyo ayaa wuxuu warbaahinta u sheegay inay dad bdan ay ka barakacayaan xaafadda Garsoor oo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, iyadoo si aad ah loo maqlayo hugunka rasaasta ay dhiancyadu is-weydaarsanayaan.

Dhanka kale, Labada Maamul ayaa horay wuxuu dagaal ugu dhexmaray Gaalkacyo, kaas oo ka dhashay muran ku saabsan jid-gooyooyin, inkastoo Xukuumadda Federaalka ah ay dadaallo ku bixisay sidii loo joojin dagaalkaas, kuna guuleysatay inay labada dhinac isku keento oo ay nabad dhex-dhigto.

Wariyaha HOL ee Gobolka Mudug, C/qaadir Abaadir ayaa soo sheegaya in dgalku uu mar-marka qaar joogsanayo, haddana uu dib u soo laba kacleynayo, dhinacyaduna ay helayaan gurmadyo ciidan.

Ugu dambey, Iska-horimaadkan cusub ee Qarxay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ay dhawaanahan taagnayd Xiisad ka dhalatay Duqeyn ay Ciidamada Mareykanku ka Fuliyeen Bariga Gaalkacyo, la sheegay in Puntland ay ku lug lahyad.

Wixii warar ah ee kusoo kordha Dagaalkan ka socda Magaalada Gaalkacyo Waxaad kula socon doonaan wararka soo socda ee HOL, haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya