4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 7 , 2016
Ururada u dooda xaquuqda saxaafada oo dalbaday in la soo baaro dilkii wariyihii Radio Shabelle

Jimco, Oktober 07, 2016 (HOL)-Ururada u dooda xaquuqda saxaafada ayaa dalbaday in la soo baaro dilkii wariyihii Radio Shabelle, C/Caziiz Maxamed Cali.

C/Caziiz Maxamed Cali ayaa dhawaan dabley aan heybteeda la garan ku dishay Muqdisho. Ururada u dooda xaquuqda saxaafada ayaa ugu baaqay dawlada Soomaaliya inay soo baadho dilka loo geystay wariyehaa Soomaaliyeed.

Mulkiilaha Radio Shabelle C/Maalik Yuusuf Maxamuud ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in Mr. C/Caziiz oo 35 sano jir ahaa uu ahaa wariye xirfad wanaagsan oo hawl kar ahaa. Wuxuu noqday hase ahaatee wariyihii labaad ee sanadkaan gudihiisa Soomaaliya lagu dilo.

Bishii Juun waxaa Muqdisho sidoo kale lagu dilay Sagal Salaad Cusmaan oo ahayd gabar wariye ah oo ka tirsanayd Radio Mogadishu.

Ururka caalamiga ah ee u dooda wariyeyaasha ee CPJ ayaa ka mid ah ururada dalbaday in dilkaa loo geystay C/Caziiz lasoo baar.

Waxaa sidoo kale ururadaa ka mid ah ururka wariyeyaasha aan xaduuda lahayn ee RSF.

RSF ayaa sheegtay in 10 qof oo ka tirsanaa shaqaalaha  Shabakada Warbaahinta ee Shabelle la dilay kuwaasoo saddexdood ay ahaayeen agaasimeyaal laga soo bilaabo sanadkii 2006.

Soomaaliya ayaa ah meelaha caalamka u khatarta badan gaar ahaana ah meel ka mid ah meelaha ugu khatar badan ee qof wariye ah uu ka shaqeeyo.

Aaden M Warsame
Hiiran Online
[email protected]